Ganacsatada Qaadka Iyo Kornayl Muuse Biixi Midkee U Lexejeclo Badan Caafimaadka Shacabka Somaliland?

0
Monday April 06, 2020 - 19:08:14 in News by
  • Visits: 1854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsatada Qaadka Iyo Kornayl Muuse Biixi Midkee U Lexejeclo Badan Caafimaadka Shacabka Somaliland?

    Ganacsatada Qaadka Iyo Kornayl Muuse Biixi Midkee U Lexejeclo Badan Caafimaadka Shacabka Somaliland?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsatada Qaadka Iyo Kornayl Muuse Biixi Midkee U Lexejeclo Badan Caafimaadka Shacabka Somaliland?


Hargeysa(HWN):-Ganacsatada Qaadka kasoo waaridda Dalkan aynu jaarka nahay ee Itoobiya iyo Gudida la dagaalanka Coronaha Somaliland ayaa shalay kulan jilbaha isku daray Hargeysa si ay uga arinsadaan doorka uu Geedka Qaadku ku yeelan karo Fiditaanka Cudurkan halista badan ee Corona iyo talaabada ku haboon la qaadan karo.

Image may contain: 3 people


Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed kaahin Axmed ayaa ugu horayn Ganacsatada hordhiga lix qodob, kuwaasi oo u dhignaa hanaan kala doorasho (optional), islamarkaana uu kaga dalbaday inay la eegaan, isagoo dib u dhigay qorshaha in la joojiyo qaadka. Ganacsatada ayaa saluugay Qodobadaasi iyo hanaanka ay wax u wado Gudidu, waxaanay usoo jeediyeen inay qorshe bulshaddan lagu badbaadinayo ay ula yimaadaan, xiitaa haddii la joojinayo qaadka inay raali ka yihiin, maadaama oo bini aadam ama naf la badbaadinayo.


Maxamed Cabdi Xariir oo ka mid ah Ganacsatada qaadka keenta ayaa waxa uu soo jeediyay "Horta qaad walaha waa la xukumaa, ee lalama tashado, Qaad waluhu waa qoomiyadda intay shiraan aan iyagu wax ku soo heshiin Karin, imika haddii aad isku kaayar dirtaan oo aad tidhaahdaan wax soo garta, qoloba iyadoo dhinac dareen kaga jiraabay soo kacaysaa, wakhtigan aan kujirnaa wakhtigii wada tashiga maaha waa wakhtigii la ismuquuninaayay ee Bandooga la isasaarayay, wakhtigii baryadda ku ma jirno, Nafo aadame ayaa la badbaadinayaa, Gudida waxaan odhanaa lahaa Tashiyadda yareeya, Baawirkii Dawladnimana ku shaqeeya, Qof kasta haddaad tidhaahdaan, rabitaankaagu muxuu yahay, qof waliba rabitaankiisa ayuu eegayaa ee ka qaranka eegi maayo”.


Waxa kale oo uu yidhi "Wasiir Maxamed kaahin Lix qodob ayuu soo dhigay, Balaan B ayaa ka dhigteen joojinta oo waxaad tidhaahdeen joojinta waan iskaga imanaynaa, joojinta taladaad soo dhigtaan waan qaadaynaa iyo taad soo jeedisaanba”.


Sidoo kale Ganacsade Faysal Faras ayaa isna waxa uu yidhi "Markasta gudida waxaan maqlaa iyagoo leh dheecaanbaa la qaadayaa, dibadda ayaa la gaynayaa, waxaan odhan lahaa taajiriinta Somaliland waa bad, si aan uga badbaadno dheecaankaasi maalin walba la qaadayo, in taajiriintaasi oo waliba anigu waan kaw ka ahay in lacagta laga qaado oo dalabka la dalbo. Waxay u baahanahay oo kale Oxygine badan”


Waxa kale oo uu yidhi "Anigu ra’yi ahaan waxaan odhan lahaa qaadkaba hala joojiyo, taasna anigu lambar wan baan ka ahay ka joojinaya qaadka magaaladda, waayo waxaa la badbaadinayaa bulshaddii, haddii la isyidhaa yareeya horta waa Viruskii uun waxba maad kordhin kolay waxaan aaminsahay in Viruskii yaraanayo oo ururkii baaba’ayo oo wax badan inoo qabsoomayaan”. Ayu yidhi Ganacsahadani isaga oo kulankaasi ka hadlayay.



Hadhwanaagnews.com

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...