Hogaamiye Muuse Biixi Iyo Xukuumadiisa Oo Lagu Canaantay Oxygen La,aanta Cusbitaalka Hargeysa Loogu Dhimanayo

0
Monday April 06, 2020 - 18:57:33 in News by
  • Visits: 1519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiye Muuse Biixi Iyo Xukuumadiisa Oo Lagu Canaantay Oxygen La,aanta Cusbitaalka Hargeysa Loogu Dhimanayo

    Hogaamiye Muuse Biixi Iyo Xukuumadiisa Oo Lagu Canaantay Oxygen La,aanta Cusbitaalka Hargeysa Loogu Dhimanayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiye Muuse Biixi Iyo Xukuumadiisa Oo Lagu Canaantay Oxygen La,aanta Cusbitaalka Hargeysa Loogu Dhimanayo


Hargeysa(HWN):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey, Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland ayaa walaac weyn ka muujiyay xaaladda Cisbitaalka guud ee Hargeysa iyo duruufaha ay ku qabaan shacabka Somaliland ee loo geeyo adeegyada caafimaad kuwaasi oo daryeel la’aan ugu dhinta cisbitaalkaasi oo aan haba yaraatee wakhtigan lahayn adeegyo caafimaad oo qofka bukaanka ahi ku badbaadi karo isaga oo sheekhu Bulshada Somaliland ugu baaqay in ay iska gargaarsadaan oo u midoobaan sidii ay bukaankooda liita ugu soo iibin lahaayeen agabka lagama maarmaanka u ah daryeelka bukaanka xaaladaha adag ku jira oo ay ugu horrayso oksajiintu.

PROGRAMS Archives | Page 5 of 8 | Dhamays Media Group


Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sh. Aadan Siiro) waxa uu hoosta ka xariiqay dhibaatada weyn ee taalla Cisbitaalka Hargeysa oo ay dadku ugu le’anayaan oksajiin la’aan taasi oo sheekhu ku tilmaamay dhibaato weyn oo dalkeena manta taalla maadaama aanay umaddu haysan adeeg caafimaad oo dawladeed.


Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan Siiro) oo ka qayb galayay Aaska Marxuum Khaliil Cismaan Sabban Dorraad lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee Woqooyiga Hargeysa ayaa waxa uu walaac xooggan ka muujiyay daryeel la’aanta shacabka Somaliland maanta soo food saartay gaar ahaan cabashada weyn ee shacabku ka qabo cisbitaalkii guud.


Sheekha oo arrintaasi ka hadlayay waxa uu yidhi: "Waxaa Maanta Innagu Ceeba In Maalinwalba Aasno Qof Loo Waayey Oksajiin la’aan Kadibna Iska Ilawno Dhibtii Hore Ee Ku Dhacday Walaalkeenii Hore Ee U Geeryooday Oxygen Laa’aan. Markaa Maanta Calaa Qoys 100$ Ha La Isku Xukumo Oo Aan Keensano Mishiinka Sameeya Oksajiinta. Si aan oksajiin Laa’anta Dhakhtar Wayn uga baxno Iyo Cabashadda Dadkeena”. Ayuu yidhi Sheekha oo dadka geeriyooday Alle uga baryey in uu naxariistii janno siiyo inta bugta ee xanuusana caafimaad sareecan ah siiyo.


Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa cabasho xooggani ka taagan tahay adeeg la’aanta Cisbitaalka Hargeysa iyo dhibaatada shacabku ka qabaan agab la’aanta marka qofka bukaa xaalad adag ku jiro sida Oksajiinta iyo wixii la mid ah taasi oo marar dhawr ah la sheegay in dad badani Cisbitaalka ugu dhinteen oksajiin la’aan.



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...