Ma Dhabbaa In Muuse Biixi Uu Eexaysanayo Dheefta Dhaqaale Ee Uu Qoyskiisu Ka Hello Diyaaradda Itoobiya Arilne ?

0
Monday April 06, 2020 - 18:29:12 in News by
  • Visits: 1512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabbaa In Muuse Biixi Uu Eexaysanayo Dheefta Dhaqaale Ee Uu Qoyskiisu Ka Hello Diyaaradda Itoobiya Arilne ?

    Ma Dhabbaa In Muuse Biixi Uu Eexaysanayo Dheefta Dhaqaale Ee Uu Qoyskiisu Ka Hello Diyaaradda Itoobiya Arilne ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Dhabbaa In Muuse Biixi Uu Eexaysanayo Dheefta Dhaqaale Ee Uu Qoyskiisu Ka Hello Diyaaradda Itoobiya Arilne ?


Hargeysa(HWN):- Iyaddoo laggu jirro xiligan adag ee ka hor-tagga cudurka halista ah ee karoona fayras, ayaa waxa muuqata in Hogaamiye Muuse Biixi iyo xukuumaddiisu ay ka maaggayaan inay joojiyaan Diyaaradda Itoobiya Airline oo si joogta ah rakaab u keenta Madaarka Hargeysa, taasi oo loo arko inay xiligan door weyn ka qaadan karto siddii uu somaliland ugu fidi lahaa cudurka halista ah ee karoona fayras, madaama ay keenayso dad kasoo haajiraya dalalka uu cudurkani asiibay iyo guddaha dalka Itoobiya oo uu ku faafayo cudurkaas, kuwaas oo kusoo guryo noqonaya Somaliland,halka ay qaarna u socdaan dalalka Somaaliya, Puntland iyo Jabuuti.




Culimadda dalka iyo Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland, Xildhibaanadda barlamaanka iyo weliba shacabka reer Somaliland oo war-baahinta si gooni gooni ah ula haddlay ayaa ugu baaqay Xukuumadda Biixi inay joojiso gebi ahaanba safaradda ay diyaaradda Itoobiya Airline ku timaado Madaarka Hargeysa inta lagu guddo jiro xaaladdan ka hor-tagga cudurka karoona fayraska,haseyeeshee Hogaamiye  Biixi iyo addeegayaashiisa ayaa u muuqda kuwa aan diyaar u ahayn inay hakiyaan safaradda ay diyaaradda Itoobiya ku timaado Hargeysa,iyadoo ay xusid mudan tahay in Madaxweyne Biixi uu war-baahinta tiraba laba jeer kaga haddlay halista uu leeyahay cudurkan karoona fayras, balse haddana marnaba muu soo haddal qaadin halista caafimaad darro ee ay dalka iyo dadka u keeni karto wakhtigan Diyaaradda Itoobiya Airline.


Geesta kalene Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ahna Guddooomiyaha Guddida ka hor-tagga cudurka Karoona oo shan jeer bulshada la wadaagay go’aamo laggaga hor-teggayo cudurka Covid19 iyo fariimo kale oo la xidhiidha cudurkaas, ayaa isna afka ka dhawray inuu soo haddal qaado halista caafimaad darro ee ay wakhtigan soo gaadhsiin karto dalka diyaaradda Itoobiya oo si joogta ah dalka u keenta rakaab ay ka soo qaado dalalka uu asiibay cudurkan Karoona fayras,taasi oo loo arko inuu Saylici si toos ah indhaha uga laliyey halista caafimaad darro ee ay dalka u keeni karto shirkadda ay wakiilka ka yihiin qoyska Madaxweyne Biixi ee Itoobiya Ariline.


Siddoo Kalene Guddida ka hor-tagga Karoona oo lix jeer in ka badan bulshada war-baahinta u mariyey go’aamo iyo fariimo kale oo la xidhiidha halista uu leeyahay cudurka Karoona Fayras, ayaa iyana maray jidkii Hoggaamiye Biixi, waxaanay gebi ahaanba ka gaabsadeen inay ka haddlaan ama ay go’aamo ka gaadhaan siddii looga hor-teggi lahaa khatarta caafimaad darro ee dadka iyo dalka ka soo gaadhi karta wakhtigan Diyaaradda Itoobiya Ariline.


Dhanka kalene waxay xoggo hoose oo soo baxaya sheegayaan inay tahay sababta ay xukuumadda Biixi u joojin laday diyaaradda Itoobiya mid uu Madaxweyne Muuse ugu eexaynayo qoyskiisa dheefta dhaqaale ee ka soo gasha diyaaraddaas,madaama oo uu qoyskiisu wakiil uga yahay Somaliland,isagoo ka cabsi qaba in haddii uu joojiyo diyaaraddaas ay qoyskiisa soo waajihi karto xaalad dhaqaale xumo, halka haddii ay wakhtigan shaqaysona uu u arko fursad ay qoyskiisu ku macaashi karaan dhaqaale badan,mar haddii ay diyaaraddani tahay mida keliya ee xiligan dalka ka shaqaynaysa,taasi waxay muujinaysaa inuu Madaxweyne Biixi yahay keliya mid ka fikiraya dheefta dhaqaale ee uu qoyskiisu ka helayo diyaaraddaas,balse aanu ka fikirayn dhibta kale ee ka soo gaadhi karta bulshada reer Somaliland iyo khatarta cudurka halista ah ee karoona fayras oo ay door weyn ka qaadan karto diyaaraddan Itoobiya Arilne siddii uu cudurkaasi ugu faafi lahaa somaliland .


Loading...
Loading...