Raysal Wasaare Khayre Oo Xukuumadiisa Ku Soo Daray Masuul Hore U Soo Qabtay Gudoomiye Baarlamaan Oo Maamul Goboleed
Muqdisho(HWN):-Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa golihiisa Wasiirada kusoo daray Gudoomiyihii Baarlamaanka maamulka Koonfur GalbeedDr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye .
Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa xilkawasiiru Dowlaha wasaarada ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya loogu magacaabayC/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.
Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa xilkan wasiiru dowlaha Wasaarada ganacsiga iyo warshadaha ka qaaday XildhibaanDaahir Cabdi Cabdullaahi (Dr Go), oo mudo dhoor sano ah xilkan hayay.
Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif ayaa mar kale ku guul dareestay in uu kamid noqdo Baarlamaanka maamulkaasi, waxaana la sheegay in heshiis hoose oo lala galay looga reebay laguna qanciyay in Wasiiru dowle laga dhigo.