Boqor Buurmadaw Oo Sheegay In Muuse Biixi Ka Cararay Hargaysa Iyo Halka Uu Tagay.
Hargaysa (HWN) Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw) ayaa sheegay in Muuse Biixi ka cararay qasrigii madaxtooyada Somaliland cabsi uu ka qabo cudurka Coronavirus awgii.
Boqor Buurmadaw oo ka hadlayay xidhiidh la’aanta ka dhexaysa Muuse Biixi iyo shacabkiisa ayaa yidhi "Waxaad moodoo inaanu Muuse Biixi madax dhaqameedkii la tashanayn, shacabkiina la tashanayn, Anaguna maanta ma wadno inaanu dadka jiidhno, xukuumada ka dul boodno, Xisbiyada ka boodno, ummada ka dhex boodno, waxaanan leeyahay wada tashi la isku ogyahay hala bilaabo, dalkana masiirkiisii madaxwaynahani maanta meel kuma waddo”.
Waxaanu boqorku sheegay in uu Muuse Biixi u cararay Beer uu leeyahay, tiiyoo shacabkiisii ayna ku dhicin balaayo looga cararaa "Waa ninkaa aad arkayso ee maanta umaddii uu madaxwaynihii China oo umadadiisii xanuunkii Wuhoon ka dhex bixi waayay, waaninkaa isagu dadkiisii ka dhex cararay oon balo ku dhicin ee Beerta ku xidhan” ayuu yidhi Boqor Cismaan Buurmadaw oo u waramay HCTV.