Xaaf: Kululeysi yar baan ku maqnaa, ee waa tanaasulay oo la tuuray yaa la oran"

0
Monday April 06, 2020 - 14:35:21 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaf: Kululeysi yar baan ku maqnaa, ee waa tanaasulay oo la tuuray yaa la oran"

    Wixii hore waxaa ay ahaayeen kululeysi, waxaan haatan u tanaasulay danta iyo dhismaha Galmudug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wixii hore waxaa ay ahaayeen kululeysi, waxaan haatan u tanaasulay danta iyo dhismaha Galmudug



Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa ka hadlay Arrimo ku aadan Galmudug.

 

Xaaf oo warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb ayaa marka hore waxaa uu ka mahdceliyay soo dhaweynta uu Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo shacabbka ku dhaqan halkaas ay u sameeyeen.

 

Waxaa uu sheegay Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf inuu u tanaasulay danta iyo dhismaha Galmudug, isla markaana waxaa uu ku baaqay in laga wadashaqeeyo hormarinta maamulka Galmudug.

 

"Wixii hore waxaa ay ahaayeen kululeysi, waxaan haatan u tanaasulay danta iyo dhismaha Galmudug ee aan kawada Shaqayno hormarinta maamulkeenaā€¯ ayuu yiri Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

 

Isaga oo sii hadlaayay Xaaf ayaa waxaa uu tilmaamay in Galmudug maanta laga bilaabo ay tahay halmid oo aysan jirin Galmudug labaad isaga oo Carabka ku dhuftay in uusan ka tagi doonin Galmudug kala shaqeyn doono Hormarka Galmudug.

 

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa waxaa uu sheegay inuu kulamo kala la qaadan doono Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, isla markaana ay ka wada hadli doonaan Arrimo kala duwan oo ku aadan Galmudug.


Loading...
Loading...