Labada Geelle, Anaa U Garnaqay! W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi.

0
Saturday April 06, 2019 - 10:23:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labada Geelle, Anaa U Garnaqay! W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi.

    Ganacsade Axmed Geelle Arab waa nin ilbax ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsade Axmed Geelle Arab waa nin ilbax ah.
- Sida uu u wakiishay afhayeenka, waliba uu ugu dhiibayo waraaqaha iyadoo muuqaal ah waa cashar inagu cusub.

-Afhayeenku wuxuu sheegay in dabku ka kacay "SAAMI NA SII" laakiin halkaas laaxin baa ku jira, waxbaa jira inaga qarsoon. SAAMI dagaalkani uu ka weyn yahay.


-Afhayeenku wuxuu sheegay in Jooraalka (Nation) uu daabacay xashaarashka hantidii Ganacsade Axmed Geelle. Laakiin afhayeenku ma sheeggin inta lagu xaraashay hantidaas. Maadaama $20M lagu lahaa, hantidiisuna ay ahayd $25M lana xaraashay maxaa ku hadhay Mr. Geelle? Waayo haddii xaraash meesha yimi qiimihii uu is dhimay.

Dhinaca afhayeenka Madaxtooyadu muxuu u ekaa?

- Afhayeen ummadeed ma ahayn ee wuxuu ahaa mid Saamiley shirkadeed u hadlayey.

-Wuxuu u dhaqmay sidii qof Looyar u ah dhinaca Jabbuuti.

-Wuxuu ku gefey Xuquuqda muwaadinnimo ee Axmed Geelle Arab. Taas oo uu dastuurka Soomaalilaan dhigayo. " Qof kasta oo aabbihii ku noolaa Soomaalilaan ka hor 1960-kii waa muwaadin u dhashay Soomaalilaan".

- Wuxuu ku gefey Xuquuqda Shirkadda SBI oo uu ka been sheegay lacagta lagu dhisay, oo uu ku sheegay in Banginga Jabbuuti laga soo dhacay.

-Wuxuu sheegay in Inter Pol, (The International Criminal Police Organization) ay raadinayaan, muhiimna ma ahayn inuu halkaas ka sheego.

-Afhayeenku ma sheeggin lacagta $128M ee ka maqan Geelle Arab halka laga doonayo, iyo sida loo doonayo-toonna.

- Halkaas waxa ka cad oo inoo muuqata in Muuse Biixi aanu dhex ahayn, wax ilaahay qaddaraba.

Axmed Geelle Arab maxaa seegay?

Way muuqataa inaan arrintu SAAMI ahayn ee ay jirto wax qarsoon oo aan cidna loo sheeggini'e, waxay ahayd inuu boogtaa dhayo oo la heshiiyo Ismaaciil Geelle oo ay in badan soo wada macaasheen. Isna xaal ogyihiin.

Waxa seegay, wixii Boorre ku dhacay, Oomaar ku dhacay, Caydiid ku dhacay iqk, inuu ka taxaddaro.

Waxa seegay wixii hadday dibadda u soo baxeen Dayuus xoolahaaga badh baa la siiyaaye, waxna hel, waxna waa. Badan wey danbaysaaye.

Gunaanad.

Dadka reer Soomaalilaan waxaan kula talinayaa kiisani wuxuu noqday mid Caalami ah oo u baahan feejignaan badan.

- In cid kasta oo Ismaaciil Cumar Geelle iyo Axmed Cismaan Geelle heshiisiin karta ama ugu yaraan dabkan bakhtiin karta la helo.

- Dahabshiil, Axmed Jimacaalaha Telesom iyo Hormuud, waa inay safka hore ka galaan arrinkan.

-Dhalinyarada Soomaalilaan waxaan ku la talinayaa inay iska dhaafaan cayda, ama wax kasta oo u eeg aflagaaddo lagu la kaco Hablaha uu dhalay ama ta uu qabo Ismaaciil Cumar Geelle.

Ugu danbeyn Axmed Cismaan Geelle Arab waa muwaadin Soomaalilaan ah oo innaga mudan Inaynu difaacno.

Saint Louis Missouri, USA.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...