Farmaajo Oo Ku Baaqay In Si Deg-deg Ah Loo Joojiyo Colaadda Kasoo Cusboonaatay Degmada Walaweyn

0
Monday April 06, 2020 - 08:57:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Ku Baaqay In Si Deg-deg Ah Loo Joojiyo Colaadda Kasoo Cusboonaatay Degmada Walaweyn

    "Waxaa nasiib darro ah in dadkeennu ay u dagaallamaan qabyaalad"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa nasiib darro ah in dadkeennu ay u dagaallamaan qabyaalad"

Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad-gobeeldka Koonfur Galbeed, Odeyaasha Dhaqanka iyo waxgaradka deegaannada in ay u istaagaan xallinta colaadda macno darrada ah ee beelaha walaalaha ah ku dhexmartay degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Madaxwaynaha ayaa ku bogaadiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) sida deg-degga ah ee ay ugu baxeen, una kala dhex galeen malayshiyo beeleedyada dagaallamayey, waxa uuna ku tilmaamay colaaddan arrin fool-xun oo aan la aqbali karin.

 

"Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun. Waxaa nasiib darro ah in dadkeennu ay u dagaallamaan qabyaalad iyo malayshiyo beeleed oo ay dhiigooda u daadiyaan, iyadoo aynu ku jirno maalmihii barakeysnaa ee bisha Shacbaan oo cibaadada iyo sadaqada lagu dadaalo.”

 

Madaxwayne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo nabadda deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday,iyada oo loo dirayo guddi soo baara dhibaatada ka dhalatay.

 

Madaxwayne Farmaajo ayaa tacsi u diray dhammaan ehelada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii birima-geydada ahaa ee ku nafwaayey colaaddan, waxa uuna Alle u weydiiyey caafimaad deg-deg ah dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay.

 

Dhammaad


Loading...
Loading...