Somaliland Soddon Sano May Qiimayn Oo Bislayn Siday Ulagarnaqsanayaan Somalia.

0
Sunday April 05, 2020 - 10:09:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Somaliland Soddon Sano May Qiimayn Oo Bislayn Siday Ulagarnaqsanayaan Somalia.

    SOMALILAND arinta wadahadalada ka dhexeeya Somalia marna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SOMALILAND arinta wadahadalada ka dhexeeya Somalia marna
may sii diyaar garoobin siday u waajahayaan, laga bilaabo Xukuumadda ama maamulka iyo madaxweynuhu qaybteebay leeyihiin iyagoo ku qotoma si dimuqraadiya iyo Distoor ku shaqayn, suldaanada iyo boqorada kaalintooda iyagoo dhegihii qabaailka haysta qaybteebay leeyihiin ururada bulsgada oo si dimoqraadiya ku dhismay kaalintay leeyihiin, Xisbiyada oo si dimuqraadiya u hana qaaday kaalintooda, Baarlamada oo si dimoqraadiya iyo doorasho aan muddo dhaafin ku fadhiya qaybteebay leeyihiin iyo dadweynaha oo intaa aan soo sheegay inay matalan ku daba fadhiya oo ay hortaal Dawlad iyo Xukuumad la wada leeyahay oo Saami qaybsi la isku qanacsiiyey jiro dhinac kasta hadday shaqaale Dawladeed tahay hadday CIIDAMADA KALA DUWANTAY oo fartooda goonni isu tag la diyaara, MAXKAMADO KA MADAXBANAAN FULINTA OO  CADAALADDA WADANKA IYAGA QACANTOODA KU JIRTO OO WAXAY XUKUMAYAAN AAN LOO  YEEDHINAYN .intaa iyo wixii kalee loo baahnaa mid walba meeshiisii la dhigo oo loo dhoweeyo xaq markaasaa arin bisil  oo lasoo hufay lana soo haadiyey oo ciddii aqoonteeda iyo daacaddeeda ay wada sidaan baad SOMALIA oo hadday doonto adduunkoo dhan wadata baad Qadiyadda SOMALILAND kaga guulaysan kartaa. Laakiin maanta siday SOMALILAND tahay SOMALIA hadday hor fadhiisato biyo  loo kabanmaayo. Maanta waxaa muuqda Salaadintii reeraha iyo Xukuumaddii oo aan wada socon weliba isu hanjabaya . Xisbiyadii halkay kala joogaan weynu aragnaa. Baarlamaanadii kuraasadii bay ku dulqudhmeen oo doorasho ma ogolin bay shaaracyada la  taagan yihiin.

 

Adduunka iyo Ethiopia mid walba dantooda u gaaray wataan xitaa dan wey dhaaftay oo wadankaba inay qaataan baa hunguri ka galay oo Abi Ahmed afkiisa ayuu ka sheegay  inaanuu Somalida Dekedo uu ka kiraysto la rabin ee Dekedaha uu toos wax uga dhoofiyo ugalana soo dego, ciidamo badeedna wuu  samaystay isagoo bad lahayn, marka hore deked qudhuu degayaa marka dambe sannad sannad buu xeebta ugu wada durkayaa waana halka la iskaga xidhanyey Imaaraadka Carabta. Arimahaana waxaa dabada ka riixaya dawladaha caalamiga ah oo china iyo Ruushka iyo qarbigoo dhani dabaday ka riixayaan maxaa wacay SOMALILAND waa marin biyoodka qudha adduunka ee xoolahoodu maraan. Somalia dhawr siyood bay SOMALILAND uga fursado wacantay. Marka koobaad kursigii UNITED  nations way ku fadhidaa, kii  Africa na wey ku fadhidaa kii Igad wey ku fadhidaa waxaa intaa u raaca Dawladdii MUSLIMKA u xoogga weynaydna wey isu dhiibtay oo ka furanaysa baahiyihii u gayn lahaa gaalo badankooda.

 

SOMALILAND fursad qudhoo muhiima bay haysataa oo aanay dawlad xumo AWGEED uga faaiidaysan Karin, fursaddaasi waa bartay geeska kaga taal dhaqaale ahaan Military ahaan strategy ahaa iyo WAXYAALO kale oo badan.

Fursadda qudha ee ay imika la gudbooni waa arigtidaydii waxa weeye Inay  ARIMHA WADAHADADA SHAN SANO DIB U DHIGTO SI AY SI WACAN UGU SOO FOOLDHAQATO. FOOLDHAQASHADAASI WAA:

1- DOORASHO XOR IYO XALAALA OO LABADA BAARLAMAAN AH IYO DAWLADAA HOOSE AY SAMAYSATO.

2- XUKUUMAD IYO DAWLAD LA WADA LEEYAHAY SAMEYSATO OO GOBOLKASTAA 80% MABSUUD KU YAHAY.

2- DOORASHO MADAXWEYNE OO AAN TII IMIKA AYNU SOO ARAGNAY OO KALE AHAYN OO MADAXWEYNE SOO SAARTA WADANKA WADA XAMBAARA.

 

4- XUSBIYO AAN QABIILO U KALA SOOCNAYN LA SAMEEYO.

 

WAXAA SOO DHAN MAR QUDHAAD HELI KARTAA WAA MARKAAD ARIMOHOODH AY SOO SHIILAAN DADKII WADANKAN WADALAHAA KUWII AQOON IYO WAXGARAD IYO TAARAAKH KA DHEREGSANAA KADIB WIXII YOO SHIILAN AY HAYADAHA SHARCIGA WADA MARAAN OO LA SHARCIYEEYO WAX KHUBARO SOO DIYAAR GARAYSAY, SIDAASAY U SHAQEEYAAN DAWLADAHAN WAAWEYN EE AYNU ARAGNAA OO AY KA MAARMI WAAYEEN LAAKIIN IMIKA SOMALILAND WAXAY DAAWAHA KU WADDAA GOLE- KA -FUUL SIDAANA SOMALIA LAGU HOR FADHIISAN KARIMAAYO. DIB HA LA ISUGU NOQDO HADDII KALE SOMALILAND XABAASHEEDA HA ISKA SII QODATO

 

DADBADAN OO DAWLADA SOMALILAND KU JIRA AYAA IYAGOON WAXBA HUBSAN EMAIL SOO DIRA IYAGOO IGU QALDAYA MUJ. MOHAMED  BASHE HAJI HASSAN .ISKU MAGAC BAANU NAHAY SOMALILANDERS NA WAANU NAHAY OO WEBSITE KA WAX KU QORA . TAASI WAA IGA OGAYSIIS. EMAIL KIISA ISKA SAXA KUWAASAW.

 

M BASHE 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...