Markale Iyo Midnimo.

0
Sunday April 05, 2020 - 09:58:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markale Iyo Midnimo.

    Magacaygu Waa Maxmuud Qoorubaxay degan, Dooxa, Qatar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magacaygu Waa Maxmuud Qoorubaxay degan, Dooxa, Qatar.

ARAR: Warqadaydan kuma weerarayo qabiil iyo qoftoona. Somali oo dhaminna waa tolkay. Waxaanse rabaa inaan farta ku godo meelaha ay Somalia ka ba’day sababtayna in Somalinimadda iyo dawladnimadda ay burburaan.



Ma ogtahay in markastaba dadka ka soo jeeda qabiilka madaxweynaha xukunka haya ay dadka kale iska xigsiiya ama ka sheegta dawladda markaas jirta,  taasina abuurto in dadka kale nacaan dalka iyo qabiilka xukunka hayaba?.


Marka hore waxaan aad u salaamayaa Weriyaasha iyo Website-yadda soo gudbiya fekradaha kale duwan ee ay qabaan ummadda Somaaliyeed meel kastay joogtaba- Waadna ku mahadsan tihiin baan leeyahay.


Maqaalkan gaaban wuxuu daaran yahay fekerka ku cad cinwaanka sare iyo ololaha ku saabsan oo maal mahanba ka soconaya Social Media. Waxaanna jeclaystay inaan tuso dhibaatooyinka burburiyey midnimadii Somalia iyo waxa somalidu isu aaminini weyday.


Tables (shaxda) hoose wuxuu ku tusayaa intii Somalia soo martay madaweyne iyo Raiisal wasaare iyo qabiiladda ay ka soo jeedaan 60 sanno ee u dambeeyey iyo meeshay inna dhigeen maanta. Marka laga reebo qabiilladda ku xusan  shaxda hoose, ummadda Somaliyeed ee faraha badan waxay isu arkaan inaanay Somalia waxba ku lahayn ee ay qaxooti ku yihiin. Taasi waa sababta ugu weyn ee Somalinimadda loo nacay. Qabiilna ma rabo in qabiil kale dawlad u sheegto haddii kale dalka lama wada laha.

 

Suaashu waxay tahay haddii qofku arki waayo caddaalad, sinnaan, dalkii ku dhashay ama u dhashay oo reerka dawladda haystaa ka sheegto maxay tahay Somalinimadu? 

Runtu waxay tahay Somalia ilaa 1960 waxaa xukumayey niman siyaasiyiin ah oo ka soo jeedo reeraha xukunka badsaday ama oobay (eeg shaxda hoose) oo ku guuldaraystay,inay Somalia dal ka dhigaan lagu noolaan karo.

 Table 1: Madaxweynayaasha Somalia soo maray ilaa 1960 to date

 

no

Magaca madaxweynaha

Waqtiguu xukumayey dalka

Qabiilkiisa

1

Adan Abdule Osman

1960-1967

Hawiye, Ujajeen

2

Abdirashiid Ali Sharmaarke

June 1967 to Oct 1969

Daarood, Majeerteen

3

Maxamed Siyaad Barre

Oct-1969 to Jan 1991

Darood Mareexaa

4

Ali Mahdi Maxamed

Jan 1991  to Aug 2000

Hawiye, Abgaal

5

AbdiQasim Salaad Xasan

Aug 2000 to Oct 2004

Hawiye, Gabar gidir

6

Cabdullahi Yusuf Ahmed

Oct 2004 to Jan 2009

Darood, Majeerteen

7

Sh. Shariif Sh. Ahmed

Jan 2009 to Aug 2012

Hawiye, Abgaal

8

Xasan Sheekh Mahmud

Aug 2012 to Feb 2017

Hawiye, Abgaal

9

Maxamed Abdullahi Farmaajo

Feb 2017 to date

Darood, Mareexaan

 

Xukunka madaxweynimo ee Somalia laga soo bilaabo 1960 waa sidan by %;

 

1.   Darood: 4 madaxweyne of u dhiganta 45%

2.   Hawiye: 5 Madaxweyne oo u dhignta 55%

3.   Rest of Somalis: 0%. They are lucky as they are not departed to Ethiopia.

 

Xukunka madaxweynenimo marka laga eego waqtiga ay kala xukumayeen (Darood vs Hawiye).

1.       Daarood: 32/60 years to date

2.       Hawiye: 28/60 years to date

3.       Rest of Somalis: 0 years out of 0%. They are lucky as they are not departed to Ethiopia.

 

 

Bal ila eega Raisal wasaarayaasha Somalia Soo maray ilaa 1960

 

Table 2: Raisal wasaraayasha Somalia Soo maray

 

no

Magaca Raisal Wasaare

Waqtiguu xukumayey dalka

Qabiilkiisa

1

Abdirashid cali Sharmarke

 July 1960 to June 1964

Daarood, Majeerteen

2

Abdirizak Haji Hussein

June 1964 to July 1967

Daarood, Majeerteen

3

Maxamed Ibrahim Cigal

July 1967 to Oct 1969

Isaaq, Habal Awal (deposed)

4

MaxamedCali Samatar

Oct 1969 to Jan 1991

Others (Midgaan)

5

Omar Carte Qaalib

Jan 1991 to May 1993

Isaq, Habar Awal (resigned)

6

Vacant

May 1993 to Oct 2000

vacant

7

Ali Khalif Galayr

Oct 2000 to Nov 2001

Darood, dhulbahante

8

Xasan Abshir Faarax (former Mogadishu major)

Nov 2001 to Dec 2003

Darood, Majeerteen

9

Maxamed Abdi yusuf

Dec 2003 to Dec 2004

Darood, dhulbahante

10

Ali maxamed Geedi

Dec 2004 to Oct 2007

Hawiye, Abgaal, (resigned)

11

Nur xasan Xusein (AHUN)

Nov 2007 to Feb 2009

Hawiye, Abgal

12

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...