UNSOM oo xaqiijisay in qandaraasle la shaqeynayay laga helay Coronavirus

0
Sunday April 05, 2020 - 05:12:25 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UNSOM oo xaqiijisay in qandaraasle la shaqeynayay laga helay Coronavirus

    Qofka cudurkan laga helay ayaa qoraalka lagu sheegay inuu ka shaqeynayay shirkad ka howlgasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofka cudurkan laga helay ayaa qoraalka lagu sheegay inuu ka shaqeynayay shirkad ka howlgasha

Hargeisa(HWN):-War qoraal ah oo ka soo baxay howlgalka QM ee Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in qof ajnabi ah lana shaqeynayay shirkad gaar loo leeyahay oo qandaraas ka haysata howlgalka UNSOM laga helay cudurka COVID-19.

Qofka cudurkan laga helay ayaa qoraalka lagu sheegay inuu ka shaqeynayay shirkad ka howlgasha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho. Shaqaalahan ayaa la sheegay in uu karantiil ku jiray ilaa bartamihii bishii March xilligaas oo uu dalka dib ugu soo laabtay.



Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa shaacisay xalay in laba kiis oo cusub oo midkood uu yahay qof ajnabi ah la xaqiijiyey inay qabaan xanuunka coronavirus. Wasaaradda ayaa sheegtay in guud ahaan Soomaaliya haatan tirada guud ee dadka uu haleelay coronavirus ay yihiin 7 qof.

Tijaabooyinka laga qaado dadka looga shakiyo coronavirus ee gudaha Soomaaliya ayaa loo diraa dalka Kenya halkaas oo lagu baaro xafiiska Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ee magaalada Nairobi dibna natiijada loogu soo diro Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska UNSOM ee howlgalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hay’adaha kala duwan ee QM sida WHO, UNICEF, iyo WFP ay Soomaaliya ku garab taagan yihiin dadaalka ay uga hortageyso in cudurka Coronavirus ku faafo Soomaaliya.

Xigasho:-VOA-Somali 

Loading...
Loading...