"Goobaha bulshadu isugu timaaddo ha la xidho sida goobaha qaadka lagu cuno"..W/Q Maxamed Kaahin Saleebaan

0
Saturday April 04, 2020 - 21:56:52 in Articles by
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Goobaha bulshadu isugu timaaddo ha la xidho sida goobaha qaadka lagu cuno"..W/Q Maxamed Kaahin Saleebaan

    "Goobaha bulshadu isugu timaaddo ha la xidho sida goobaha qaadka lagu cuno"..W/Q Maxamed Kaahin Saleebaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Goobaha bulshadu isugu timaaddo ha la xidho sida goobaha qaadka lagu cuno"..W/Q Maxamed Kaahin Saleebaan


"Goobaha bulshadu isugu timaaddo ha la xidho sida goobaha qaadka lagu cuno"
"Masaajiddada iyaga lama xidhi karo"!




Labadaas qodobba afkooda ayaa laga hayaa. Weydiinta culimadan hor taallaa waxay tahay: Culimoy, Covid19 kulmidda ayuu ku faafaa baa na tidhaahdeen. Masaajiddadii oo ay saacad walba maalaayiin qof ku kulmayso, oo dhuunta la iskaga jiro na yaan la xidhin baa leedihiin! Alif wax ma leh iyo wuu leeyahayba idinkaa na yidhiye markee idin dhegaysannaa? Kollayba marna labadan qodob is qaadan maayaan. Xataa dameeraha ayaan idin ka yeelayn. Waa inaydun midkood ka tanaasushaan. Taasi waa taas.


Cabdillaahi Ibnu Cabbaas baa mu'addinkiisii ku yidhi maalin roob da'ayo: "Adaanka ha odhan 'حَيّ على الصَّلاة' 'Salaadda u kaalaya' balse waxa aad tidhaahdaa 'صلّو في بيوتكم' 'Gurgihiinna ku tukada". Arrintaa dad baa dhibsaday. Dabadeed Ibnu Cabbaas baa ku yidhi: "Miyaa ila yaabban tihiin? Mid aniga fadli badan baa sidaa yeelay" Isagoo Suubbanaha SCW ujeeda. Xidhitaanka masjidka iyo baajinta jamaacadaba waxa uu ku sababeeyey in uu dhibsanayo dhooqada iyo dhiidhiga ay dadku soo dhex qaadayaan. Xadiisku Bukhaari iyo Muslim buu ku yaalla.


Masjidkii dhiiqada roobka loo xidhay ee Nebigii Ilaahay iyo Saxaabadiisii ay u xidhayeen, maanta oo uu jiro cudurkaa safmarka ah ee ilbidhiqsiyada ku gudbaya ayaa xidhitaankiisa la is ka baryayaa waa wax aad loola yaabo. Hadda waa masjidkii uu rasuulku SCW inna lahaa: 'Inta uu dhiidhiga roobku jiro guryihiinna iskaga tukada' ayaa culimadii Somaliland inna leedahay: "Karoone aawadii masaajiddada looma xidhi karo"! Runtii waa go'aan aan cilmi iyo caqli midna lagu salayn. Kaliya caaddifad bay ku go'aan qaateen. Kumana gardarna aragtidayda. Xukuummadda ayaa gefka oo dhan iska leh. Wadaaddadani talo aanay lahayn ayey gacmaha u gelisay. Markeeda horeba qaddiyaddani arrin maamul bay ahayd. May ahayn arrin fatwo. Haddana xukuumaddu waa inay go'aan qaadataa. Hadday fatwo ka maarmi waydana culimada aqoon hadashay ee dunida islaamka ee kale fatwadooda ha raacdo.


Islaamku waa diintii naxariista iyo fududaynta.


"وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلا رَحْمَةً لِلْعَالَمِينَ"

Ninkii reer miyiga ahaa ee masjidka Nebiga SCW ku dhex kaajay markii ay saxaabadu ku qayliyeen, Suubbanuhu waa kii ka celiyey. Hadalkiisii waxa mid ahaa:


"إنَّمَا بُعِثْتُم مُيَسِّرينَ ولَم تُبعَثُوا مُعَسِّرِينَ"
"Inaydun wax fudaydisaan baa laydiin diray ee inaydun wax adkaysaan la idiin ma dirin"


Rasuulkii ku cadhooday Mucaad oo salaadda dadka ku dheereeyey ee ku yidhi: "Mucaadow ma fidnowade ayaad tahay?" Tolow muxuu ku odhan lahaa kuwan ummadda Karoonaha u qaybinaya?!


Allahayow xaqa na tus, oo nagu toosi.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...