Ku: Madaxweynaha JSL Hadraawi Muxuu Ka Yidhi Labada Magac Ee Dawladnimo Iyo Madaxtooyo 2005

0
Saturday April 06, 2019 - 10:02:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku: Madaxweynaha JSL Hadraawi Muxuu Ka Yidhi Labada Magac Ee Dawladnimo Iyo Madaxtooyo 2005

    Xusuus Qoraalkan Af-Hayeenka Madaxtooyada Oo Qasrigeenii Qaawiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xusuus Qoraalkan Af-Hayeenka Madaxtooyada Oo Qasrigeenii Qaawiyey
Qoraalkan waxaa xuquuqdiisa iyo fikirkiisa iska leh Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi oo ka mid ahaa Guddi loo saaray xadhigii Gaboose, Maxamed xaashi, Jamaal Caydiid, waxa gudidaas ka mid ahaa Sh. Dirir iyo AHUN Gaariye. Hadraawi qoraalkan ayuu qoray.

Waxaa igu kalifey sida Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wasiirkii Hore ee Cadaaladu uga hadleen arinta Qoyska Khilaafka Qoyska Jibuuti Madaxda ka ah iyo Axmed Cisman Geele Arab.. iyo Fadeexaddii Madaxtooyada ka dhacdey ee af hayeenka Qarranka.


waxan jeclaysta in Qoraalka Hadraawi Madaxweynuhu Akhristo

Labada magac, Dawladnimo iyo Madaxtooyo


ka dibna iyadoo qoraal ah lagu dhejiyo kursiga madaxweynaha hortiisa, balse iminka aan isku koobo dhawrkan qodob ee hoga tusaalaha ahead .-Madaxtooyadu waa huga, hoyga iyo haybadda umadda.-Waxay astaan u tahay macnaha iyo milgaha dawladnimo-Waa halbowlaha iyo xididada dhiigga is dhaafdhaafiya ee marba dhan u talowsha.-Madaxtooyadu waa barta laga ilaasho, lagana saxo khaladka soo dhexgala hay’adaha dawladda-Waa majaraha iyo majiiraha geeddi socodka qaranimo lagu jiheeyo, -Waa muraayad gudaha iyo dibaddaba ku wajahan oo ummad qaranimadeeda laga daawado, wufuuda caalamka debeda ka timaada mar walba socodkoodu wuxuu ku salaysan yahay war doon.


War raadintooda waxay ku horeeyaan madaxtooyada sida la wada ogyahay, marka horeba waxay indhaha ku dhuftaan Madaxweynaha iyo xafiiskiisa. Inta aan arimaha rasmiga ah loo daadegin haasaawaha hordhaca ah ayey fekrad kaga qaataan madaweynaha. Marka rasimaga la gudo galo waxay u fiirsadaan abaarta madaxweynaha, arinta uu ka hadlayo iyo habka iyo hanaanka uu uga hadlayo. Haddii madaxweynahaas kalsoonidu ka lunto su’aalo iska soo hor jeeday ku weeraraan markaasay marba si u hor cararaan. Haday gawaan raac, marin hababin ama buunbuunin ka dareemaan waxaa u caado ah inay buruud shiilaan oo ay duur-xul dhaliilihiisa ugu sheegaan. Runta ay qiimayntooda ku salaynayaan waxay kala soo dhex baxaan beenta uu ku gabado hadba waxay madaxtooyada kala kulanto ayaa dadka iyo dalka faa’iido ama khasaare u ah.


-Marin habaabinta, buunbuuninta iyo beenta madaxtooyo sheegto ayey kala soo dhex baxaan runta iyo xaqiiqda dalkaas ka jirta-Sida lagu yaqaano madaxtinimadu waxay leedahay milgo, asluub iyo astaan ilaalisa haybada kursiga iyo xilkaas madhaafaanka ah.


-Waxaa madaxtinimada lagu yaqaan halbeega cabirkiisu yahay is dhawrid iyo afgobaadsi iyo had iyo jeer abbaar sugan oo qorqoran.-Erey kasta oo ninka umada u caleemasaarani yidhaahdaa waa rasmi, kefed iyo miisaan buu saaran yahay, wixii qadafa ama meel kadhaca lagama aqbalo.-Ninka madaxda ah Hadalkiisu waa in aanu ku miirmin hasaasaha iyo haloosiga suuqa dhex qaadaya.


-Madaxtinlmadu inta badan kama jawaabto wax kasta oo iyada wax ka sheegaya, haddii ay ka jawaabtana waxay kaga jawaabtaa hab iyo hanaan aan madax banaanayn lyo weliba hubsiimo si degan loo yidhaahdo.-Madaxtinimadu ma beeniso mana dadafayso, murana ma geliso wixii gar ku ah. Hadii sidaas lagu barto waa dhaliil wayn oo lafa jab ah, dhinaca kalena garashadu waxa ay ina bartay in aan run mutuxan xadhko caabiyaa jirin.


-Madaxtinimada erey kasta oo lagu yidhaahdaa kama hadliyo oo dareenkeeda ma shido.-Jawaabta Madaxweyne bixiyaa ma haboona inay marwalba noqoto maya iyo ma jirto.-Madaxtooyada iyo kursiga madhaafaanka ah nuxurka iyo dhadhankaa ka luma haday wax walba ka jawaabto, ama arimaha si fudayd ku jiro u gasho ama umaarayso.


-Marwalba qofka Madaxtooyada wax ka sheegaa ma khaldana, canbaarayn iyo caardumina uma jeedo dhaliilaha runta ahna laguma horjoogsan karo ereyo afdhabaandhab ah iyo weliba dardaar werin aan cidna lagu didinkarayn.


-Madaxtooyadu iska mooska dhaliilaha loo soo jeediyo waxay u yaal ayaa Wasiiro, kuxigeeno iyo af-hayeeno iyo cid Madaxweynaha uga fara dhuudhuuban oo arimahaas era yo kooba ka tiraahda ama ka hadasha.


-Ma aha in marin laga dhigto in qofkasta oo hadla Madaxtooyadu boodhka ku liqdo si ay iyadu gar iyo gardaro u guulaysato.


-Macne kuma jiro in Madaxweynuhu noqdo keeb la yuurur runta ka indha qarsada.-Qaranimadu halis bay ku jirtaa hadii ninka u bokhrani caado ka dhigto, anafo iyo aar goosi ama qaado cudurka la yidhaahdo kal-didsan oo uu arin kasta laalo si mar walba loo sii kala fogaado. Sidaynu marar badan u nidhi madaxtinimadu:


tooghayn iyo feejignaan bay leedahay,

odoros iyo awaal-deyis bay leedahay,

samir iyo dulqaad bay leedahay,


Maanta iyo Maalmo danbay lee dahay,


Tasaamux iyo tanaasul bay leedahay,

Isla day-dayid iyo maxay dantu ku jirtaa bay leedahay,

Siday nolol iyo nabad gelyo ku jiri kartaa bay leedahay,

In lafaha laguro xaragana aan laga tegin bay leedahay,

Dugsi iyo daar gobanimo bay leedahay

Xishmo iyo is xaqdhawr bay leedahay

Xirib iyo xeer ilaalin bay leedahay

Cadaalad iyo garsoor la dugsaday leedahay


Ururin iyo isku hayn bay lee dahay


Erey la dhaafiyo dib u dhigashay leedahay

Dugaal iyo damal la hadhsaday leedahay

Digtoonaan iyo daymo fog bay leedahay


Cadow iyo Nacab bay leedahay,


Diin iyo dadnimo hufan bay lee dahay.


Intaas iyo in ka badan bay leedahay.


Hadal sal buu leeyahay, biyo gororka sheekada iyo ujeeddada aan maqaalkan uga gol leeyahay, waa in madaxtooyada digtooni iyo aqoon siyaasi ahi ka jirto oo aanay indhaha shacabka iyo indhaha caalamka maro xuub caaro ah (khafiif ah) ka hagoogan. Waxaan madaxweynaha mar kale ka codsanayaa in raga miisaanka leh ee Qaran si niyadsamiyi ku jirto uu u sii daayo, waxaan ogahay in madaxweynuhu sidaa yeeli karo isagoo aan geed ku xoqosho iyo cudur daarro keenin, mar haddii hannaanka dalku ku socdaa yahay qarba-boosh, xin, xeer jajab, gola ka fuul, la jiifiyaa iyo la joojiyaana banaan. Waxaan mar kale madaxweynaha u soo jeedinayaa in ragaas si xushmad leh loo sii daayo oo aan xorriyaddooda lagu sii dhegin, xaquuqda siyaasiga ahna aan waxba lagu gudbin.

Madaxweyne, waxaan kugu baraarujinayaa inaad qodabadan hoga tusaalaha ah dhinaca wanaagsan iska taagto si aad u ogaato inaan adiga kula jiro oo aanan kaa soo horjeedin. Madaxweyne aniga hay Jawaabin ee qaranimada kuu yeedhaysa u jawaab milgaha iyo maamuuska ku saaran la miisaan noqo. Qof kasta oo dareeen wadaniya leh waxaa kashiisa lulaya werwer ku saabsan xaalada dalka iyo dadku ku sugan yihiin, haddii culayskaas dadka saarani sii foondhaafo waxaa la filaaba waa in xaajaba faraha ka baxdo oo gaadho meel aan laga maaraynkarin, waana masuuliyad aan berito laga baxsanayn ama aan si fudud lays kaga leexin karayn. Nin kasta oo masuul ah waxa uu isu min guuriyey iyo malihiisu waa been hadii masuuliyada uu hayaa ay lunto. Masuuliyada ugu weyn ee dalka iyo dadku waxay saaran tahay Madaxweynaha iyo golihiisa wasiirada xaajo cad iyo xisaabtana way u danbeeyaan haddii la noolaado iyo haddii la xijaabto.


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...