Xafiiltanka Somaliland Kula Jirto Soomaaliya Oo Xidida U Siibay Xadhkihii Dhaqaalaha Somaliland Iyo Qorshaha Cusub Ee Qoyska Muuse Biixi.

0
Saturday April 04, 2020 - 19:52:11 in News by
  • Visits: 5025
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafiiltanka Somaliland Kula Jirto Soomaaliya Oo Xidida U Siibay Xadhkihii Dhaqaalaha Somaliland Iyo Qorshaha Cusub Ee Qoyska Muuse Biixi.

    Akhriso Warbixin Dhamaystiran Oo Ku Saabsan Qoyska Muuse Biixi Oo Dajiyey Qorshe Kale Oo Macaash Ay Ku Raadinayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhriso Warbixin Dhamaystiran Oo Ku Saabsan Qoyska Muuse Biixi Oo Dajiyey Qorshe Kale Oo Macaash Ay Ku Raadinayaan



Hargeysa(HWN):-Dawladda Soomaaliya Iyo Madaxda Fly Dubai iyo Air Arabia ayaa Ka Wadahadlay Sidii Shirkadahoodu Dulimaadyo Toosa Uga Bilaabi Lahayeen Magalooyinka Muqdisho Iyo Garoowe.




 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in magaaladda Muqdisho ay Duulimaadyo toos ah ay ka bilowdo shirkadda Diyaaradaha Ee FLY Dubia , halka shirkada Air Arabia na ay ka Bilaabayso Garoowe marka ay dhammaato xayiraadda ay saartay Somalia Duullimaadyadacaalamiga ah ee cudurka Corona Virus awgii.


FLY Dubia iyo Air Arabiaoo hore u istcimaali jiray garoonka Hargeysa Ka hor inta aan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Kala Noqon Ruqsada diyaaradahaasi Eedaymaha loo cuskaday ayaa ahaa inay FLY dubai iyo Air Arabia u hogaansameen Amarkii xukuumada DFS oo dhigayey inay dawladu Joojisay Duulimaadyadii caalamiga ahaa mudada Aduunku la leedleedayo cudurka Covid19.


Dhanka kale Eriska Diyaaradaha Fly Dubai Iyo Air Arabia ayaa salka ku haya Kooto uu Rabo Madaxweyne Muuse Biixi inuu ugu Xidho Duulimaadyada Caalamigaa Wakiilka Ethiopian Airlines Abdiqafaar Maxamuud Ciise oo uu abti u yahay, Damiinka Diyaaradana uu ku qoranyahay Isla Madaxweynaha oo damiintay wiilka 2012.

 

Warqada lagaga joojiyay duulimaadyada labadan shirkadood oo aanu ogayn Maareeyaha civil aviation Somaliland iyo ku xigeen kiisu, waxaa Qoray Agasime waaxeed ay isku qoys yihiin Madaxwayne Muse Biihi oo uu amar ku siiyay, markii aanu la xidhiidhnay Mareeyaha iyo ku xigeen kiisu waxay noo sheegeen inaanay wax war ah ka haynin.

 

Dawladda Soomaaaliya ayaa udirtay qaar kamida mas’uuliyiinta wasaaradda Duulista iyo Hawada wadanka Emirates ka si ay madaxda shirkaddahaas iyo Dawlada Emaaraat ka ugala xaajoodaan sidii FLY Dubia iyo Air Arabia Duulimaadyo uga bilaabi lahayeen Garoonada,


 Aadan Cadde ee Caasimada Muqdisho iyo Caasimada Puntland ee Garoowe.


Xili Aduunku Loolan Ugu jiro Soo jiidashada Duulimaadyada Caalamiga ah ayay Xukuumada haysa Talada Maamul ee Somaliland Waxa Uleh Ahmiyada Koowaad Xifaaltanka ay kula Jirto Somalia iyo Ganacsiga gaarka ah ee Galin ku Taajir, Taasoo Minja Xaabisay Ruqsadii Diyaaradaha Caalamiga ah.

 

Xanta siyaasada Caalamka oo ahaa inaanu Xidhiidhka dawladaha imaaraadka iyo Somalia ahayn mid wanaagsanaa mudooyinkii danbe waxayse Arintani irid cusub u furaysaa is dhexgaI Horleh iyo Isfahan Dhaqaale oo dhexmara Labada dal, waxaana meesha ka baxaya Wada Shaqayntii Somaliland iyo Imaaraatka.

 


Haddii dawladda Federaalku ku guulaysato qorshaha ay ku doonayso in ay Muqdisho keento FLY Dubia Air Aribia na Garoowe wuxuu suuragal ka dhigayaa in Imaraadka Carabta iyo Dawladda Soomaaliya xidhiidhkoodu soo hagaago islamarkaana uu meesha ka baxo xidhiidhka Danaha Dhaqaale ku saabsan ee hadda kala Dheexey imaaraadka xukuumada Somaliland

Loading...
Loading...