Spain oo noqotay dalka labaad ee ugu kiisas badan dunida

0
Saturday April 04, 2020 - 18:08:12 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Spain oo noqotay dalka labaad ee ugu kiisas badan dunida

    Hargeisa(HWN):-Spain ayaa soo warisay 809 oo qof kuwaasi oo 24-kii saac ee la soo dhaafay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Spain ayaa soo warisay 809 oo qof kuwaasi oo 24-kii saac ee la soo dhaafay

Hargeisa(HWN):-Spain ayaa soo warisay 809 oo qof kuwaasi oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ugu geeriyoday dalkeeda cududrka coronavirus iyadoo tirada guud ee dalkaasi uu COVID19 ku dilay ay haatan gaartay 11,744 o qof.


Wasaaradda caafimaadka ee Spain ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in tirada kiisaska COVID19 ay gaartay 124,736 kiis.


Tiradaas sii kordheysa ee dalka Spain ayaa ka dhigeysa in dalkaasi uu haatan dhaafay dalka Talyaaniga uuna noqday kan labaad ee ugu kiisas badan dunida.

Mareykanka ayaa ah dalka soo wariyey kiisaska ugu badan ee coronavirus iyadoo Jimcihii shalay laga xaqiijiyey 30,000 (soddon kun)/ oo xaalado cusub oo COVID19 ah, taasi oo tirada guud ka dhigeysa 273,000 oo kiis. Dadka uu cudurka COVID 19 ku dilay Mareykan ayaa haatan kor u dhaaftay 7,000 oo qof.

Cudurka Coronavirus ayaa saameeyey dhaqaalaha dunida iyadoo bangiga Morgan Stanley uu qiyaasay in dhaqaalaha Mareykanka oo ah kan ugu ballaaran dunida uu hoos u dhici doono 5.5%, taasi oo ah hoos u dhicii ugu darnaa ilaa sanadkii 1946-kii in kasta oo xirmo gargaar oo gaareysa 2 trilyan oo doollar ay Koonngresku meelmariyeen todobaadkii hore si dhaqaalaha Mareykanka loogu kabo.

Bangigan ayaa sheegay in Britain ay qarka u saran tahay hoos u dhac dhaqaale oo ah kii ugu xumaa ee ilaa 1930-nadii.

AP iyo Reuters

Loading...
Loading...