Warqaddii Dabayshu Sidday

0
Saturday April 06, 2019 - 08:19:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warqaddii Dabayshu Sidday

    Maalinkasta qorraxda ayaa qummaati ugu dhacda oo muuqiisa dishay.Waa kursi gaboobay oo dabada ka coodhcoodhay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalinkasta qorraxda ayaa qummaati ugu dhacda oo muuqiisa dishay.Waa kursi gaboobay oo dabada ka coodhcoodhay.
Xataa buushkii loogu talo galay in lagu fadhiisto ayaa kolba kasoo dhacaya oo la raacdaynayaa.Haddana waa la kala boobayaa.Waxaan isweyddiinayey maxaa qorraxda looga qaadi waayey,balse aniga ayaa isu jawaabayey oo isku lahaa,meel loo qaado ma jirto'e maad dantaada ka raacatid.Goor aan ku fadhiistay ma xasuusto,balse aniga oo ka dhookaysan ayaan is arkay.



Kursigu wuxuu yaallay makhaayad geed qudhac ahi ka dhex baxay.Geedka ayaa dadka makhaayadda fadhiista oo dhan qaada.Si'kale u ma qaadee qof waliba sida idaha ayuu madaxa geedka hoos geliyaa,inta danbe na bacadka ayey iska jirtaa.Mar haddii aad madaxa meel la hesho ha raadin wax kale ayey dadka makhaayaddu isku gooddiyaan.Ha' iska dul xumaatee,waa makhaayad shaah macaan oo sheeko wacan.Waxay ka soo hadhay makhaayado badan oo ka sii dabar go'aya caasimadda.Kab keliya ayaan xidhnaa markii dabayshu igu soo laadday warqadda ordaysa.Haa,warqad ordaysa oo sir ah ayey ahayd.Waanigii akhristay ee labada dhinacba u rogay.Waxaan xasuustaa cinwaankii farta waaweyn ku qorraa.Waxaan kaloo xasuustaa ereyadii dalabta lahaa ee aan mutihinayey.Walow warqaddu ay qaab darrayd iiga ma baahan sharraxaad in aan u helo ereyada qaarkood.Waxaan filayaa in ay sidan u qorreyd;-

Ku: Soomaalilaan
Ka: Jabbuuti

Ujeeddo: Codsi

Huunno Geelle soo gelbiya.

Yaakhii waxaan yahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.Waxaan waraaqaddan kuugu soo diray,nacam in aad noo soo gelbisiin eeddaysane Axmed Cismaan Geelle.Yaakhii curadkaas waa daacdaac kibrey baan idinka idhi,iska soo dhaadhiciya oo Birigaadka Avenue 26 [Saldhigga Boolis ee Avanue 26]Yaakhii iska keena.Waxaan geyni doonnaa ilamaa iyo Tiriminaarka jabbuuti[Maxkamadda]Haddaad ka cabsatiiin ehelkiisa,yaakhii annaga maad noo fasaxdiin.Ciidankeenna Jandaaranka ayaa soo caymadi oo yaakhii siiteegiisa Hargeysa [Xaafaddiisa] ugu imaan doona.

Mahadsanidiin.

Markii aan intaa dhammeeyey ayaa wiilkii kabacaseeyaha ahaa isaga oo kabtii la ordaya ii keenay,dabadeed waan iska illaday oo kursigii qaabka darraa ka kacay.Nasiibdarro waxaan maqlay sanqadh si baas iiga ag baxaysa.Markii aan dib soo jalleecayna waxaan arkay kursigii oo dhulka geyllaansan.Cid u dirsatay garanmaayee Kabacaseeyihii ayaa sii siday.Waxaan xasuustaa in aan lacagtiisii siiyey.Waxaan kaloo xasuustaa in aan warqaddii socodka ku sii jeexjeexayey.Waxaan kaloo xasuustaa in Kabacaseeyihii iga daba yeedhayey;ilaa intii aan ka libdhayey.Laakiin waxaan illaaway in aan kabtii kale u dhiibo.Mar danbe oo aan guriga ku sii dhawahay ayaan cagahayga eegay.Waxaan ogaaday in kab na ay baalashaysan tahay; kabtii kalena ay bilaa baalash tahay.Dib ugu ma noqonne sidii ayaan gurigayga ku gaadhay.

WQ: Axmed Cali Dirir
Email:[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...