Wasiirkii hore ee Warshaddaha oo Ka Hadlay Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

0
Saturday April 04, 2020 - 13:58:57 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii hore ee Warshaddaha oo Ka Hadlay Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

    Wasiirkii hore ee Warshaddaha oo Ka Hadlay Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Warshaddaha oo Ka Hadlay Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

Hargaysa(HWN):-Wasiirkii hore ee Warshaddaha Shucayb Maxamed Muuse ayaa Xukuumadda Kornayl Muuse Biixi Cabdi u soo jeeddiyay inaanay furin wada-hadalladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.



Shucayb Maxamed Muuse waxa uu siddaas ku sheegay waraysi uu siiyay telefishanka Bulsho tv, waxaannu Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inay faro-gelinta ka dayso Somaliland iyo deegaannadeedda, waxaannu yidhi

Golaha Wakiilladu Iyagoon Meelna Tegin Oo Wax Soo Qiimayn Ayay Wax ...

"Dawladdii aynu iska nicinnay ee Maxamed Siyaad Barre oo caalamku ogyahay inay Xasuuq iyo arrimo bini'aadamnimada ka dhan ah oo Milatarigu gaysteen oo raggii waxaas gaystay qaarkood Maraykanka lagu Maxkamaddeeyay. Waxa kale, oo jira oo dadka reer Somaliland aannay ogayn, dagaalkaasi waxa uu ahaa kala qaybin, qori isku dhiibid iyo iska horkeenid. Waxa dhacday in Dawladdii Maxamed Siyaad Barre ay iska hor keentay shacabka Somaliland oo qoryo isugu dhiibtay."


"Shacabkii Somaliland way isku yimaaddeen oo way tashaddeen, waxay dhisteen, Calan, Lacag, Baasaboor iyo Dawladnimo soddon jirsatay oo gaamurtay. Maanta soddon sanno kadib, qoladda Muqdisho joogtaa ee Farmaajo hoggaamiyo waxay bilaabeen wax wixii berrigaas u eg, oo shacabkii la iska horkeenno, waxa muuqata oo ay wali ku mashquulsan yihiin inay yidhaahdaan gobol hebel waa la dulmay, gobol hebel xoog baa lagu haystaa iyo waxyaabo la mid ah, laakiin Somaliland taariikhdeedda waa la yaqaannaa, dadka reer Somalilandna waa shacab walaalo ah oo dhaqan, dhalasho, dhul iyo Dheefba wadaaga, waxaan ku talinnayaa inta Farmaajo joogo Xamar in la joojiyo wada-hadalkii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya." Ayuu yidhi Wasiirkii hore Warshaddaha Xukuumaddii Axmed Siilaanyo Shucayb Maxamed Muuse.


Hadhwanaagnews,Office
Hargaysa,Somaliland

Loading...
Loading...