Makka iyo la dagaalanka Karoonaha...W/Q Amb Axmed Safiina

0
Saturday April 04, 2020 - 12:47:46 in Articles by
  • Visits: 947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Makka iyo la dagaalanka Karoonaha...W/Q Amb Axmed Safiina

    Makka iyo la dagaalanka Karoonaha...W/Q Amb Axmed Safiina

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Makka iyo la dagaalanka Karoonaha...W/Q Amb Axmed Safiina


Wasaaraddaha Caafimaadka iyo Dalxiiska ee Sucuudiga iyo laamaha dawladeed ee la shaqaynaya waxa ay la wareegeen bulshadana u diyaariyeen 10 huteel hurdo ah oo wada 5 star ah kana kooban 2,827 oo qol, waxaana ka mid ah huteelada xukuumaddu la wareegtay Huteelkii weynaa ee saacada ee Xaramka, Movenpick Hotel, Radisson blu Hotel, Zamzam pullman Hotel , Fairmont Hotel Makkah, Alsafwah Royale Orchid Hotel, iyo huteelo kale.

Image may contain: sky, cloud and outdoor



Qafka Makkah xanuunkaCovd-19 laga helo waxa lagu dawaynayaa cusbitaalada Carafaat iyo Mina waxaana loo diyaariyay in ka badan 7,000 oo dhakhaatiir, kalkaalisooyin iyo shaqaale caafimaad isugu jira, waxaana lagu dawaynayaa dhammaan dadka si bilaasha ah.


Hadaba dadkii ka agdhawaa qofka xanuunka laga helo sida qooyskiisa, jaarkiisa iyo inta la shaqayn jirtay oo dhan xataa haday gaadhayaan 100 qof waxaa lagu karantiimaynayaa hoteelada waaweyn ee 5 star ka ah muddo 14 cisho ah, qofna qof uma tagayo qolkiisana kama soo baxayo oo waa lagu ilaalinayaa, qofka xanuunka laga helo, waxaa loo qaadayaa dhaktarada qofka laga waayo ee muddada dhammaystana waa la fasaxayaa.


Haddaad maqasho Kala-dambayn, amar-qaadasho iyo dammaanad-dawladeed waa tan oo kale, maanta bulshadu waxa ay saarantahay markab kaliya dawlad walba iyo deegaan kasta waxaa looga baahan yahay dedaal dheeraad ah, Is maqal joogto ah, wada jir, is-tixgalin, naxariis, iyo kala dambayn.

Amb Ahmed Safiina
Makka Al Mukarama. Alaa mahad leh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...