Yuu U Xidhan Yahay A.M.Coldoon ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday April 04, 2020 - 11:02:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuu U Xidhan Yahay A.M.Coldoon ( Abdi-Shotaly).

    Bal akhristaw hadaad daacadnimo sheega-nayso,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bal akhristaw hadaad daacadnimo sheega-nayso,
illa akhri waxan aan soo wado, waa haddii aanad meel iskaga baydh ahayn, uu calanku meel uga taagan yahay u khaas ah oo uu caabudo. Wuxu yidhi Askariga la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay" ee sidda awr kaliil hore, intaan roob di'in weli iska sii abaar qooqay, oo kaadidda ku dhibi shaxanayaa, iyaba waa yaabka kaab-kiisa'e " Waxan saamaxayaa Maxaabiista aanu cuslayn denbiga ay galeen" Markay sidaa tahay, waxa uu qof kastaa oo dareen saxa lihi. uu fahmayaa in la sii dayn doono, wixii aan geysan dil,kufsad ama wixii la mid ah. hadaba haddii uu xaalku sidaas yahay, miyaad filaysan arimahan hoos ku qoran, kuwaas oo ah wax ka soo hor jeedda, waxa uu askariga jaahilka ahi, ee meesha ka dhararaq lihi uu yidhi ee aan sare ku soo sheegay, taas oo ah waxan cafiyayaa wixii denbi fudud galay, balse waxa la is waydii-nayaa siddii ma u dhacday uu sheega? Mise beentii uu dadka ku maaweelin jirey bay ahayd? Oo ma sidiisii buu reer hebel u kala saaray? Halkan hoose ka akhri jawaab kooban, oo laba qodob ah baad ka heli doon-taaye.

 

(a) Cajiib miyaanay ahayn muwaadin? Wuxu sii daayey " Cawil Xareed" oo ah Gacan ku dhiidh-laha ugu weyn Somaliland, waa ninkii 7 qof ee u kala safraaya dariiqa u dhaxeeya Hargeysa iyo Boorame "Jid gooyadda u sameeyey" ee xitaa si sharaf leh aan u diline, intuu "Gawracay mid kasta madaxa ka jaray" ee anshax xumi daraadeed mayd-kooddii wadadda kaga tegay barbar-keedda, si ay bahaluhu u cunaan, laakiinj ay ka soo gaadheen Dad dariiqa marayey oo kale, halkiina ay kaga soo qayli-yeen. Waxay yidhaaheen askartan dhego barjaysani "Kiis culus maaha", oo waa ay sii daayeen, saw wax laga yaq-yaq-sooddo maaha iyo halkii i bugtay baan cadaystay, ee ahayd reer hebel la colaw aan geed-na loogu soo gaban. bal ummad yahay kiiska ka culusi waa kee? ee abid ka dhacay Maamul Goboleedka Hargeysa, ee lagu raqo hantidda ummadda guriga " Xaafad-tooyadda" Miyey kaa qarsoon tahay arinka cayn-kaas ahi, in uu yahay qabyaalad cadaan ah iyo badheedh, ee aanay ka dhab ahayn beentii uu ummadda u sheegay, ee uu ku dhawaaqay in fal-galadda aan cuslayn, wixii galay oo keliya baan oodda ka qaadayaa.intaas ku darso, oo hadda ma aad rumaysa-naysid, laakiin markay indha-haaga oo shan ah ay ku hor timaado, baad dib iigu soo noqon doontaa, waxana ay tahay taasi, maalin aan fogayn, baa uu askarigu " Awil Xareed" u magacabai doona, meelaha ugu qaalisan maamul-kiisa canda-dawlan, ee maskaxdda ku sii hayaa sidaas.

 

(b) Waa ka dar oo dibi dhale. "Sama-Fale Abdi Malik Musa Coldoon" isagu ma wax buu dilay? Ma Hanti umadeed buu dhacay? Ma sidooddii buu mikinisado dalka ka dhisay, inta uu masaajido dumiyey? Ma Jid-gooyo buu sameeyey? Oo markaas baa la sii dayn lahaa, sidda ka qaybta sare aan ku xusay magaciisa? Intaas mid-na muu samayn, ee wuxu muujiyey oo si cad u tilmaamay " Wixii ay ku kaceen ee ka soo hor jeeday Diin-teena Saharafta leh. Wuxu ummadda tusay in Dugsiga Abaarso ninka maal geliyey uu yahay  " Gani-Naani" aan dhedig iyo laba mid-na aan lagu tirinin, oo casuumay ninkii ay is qabeen ee aduunka ugu caansan, kaas oo la yidhaaho kaas oo isla sawirey habla-heenii, intuu yidhi is dhun-kadda, u socdda sidda hablaha wax xayey-siiya ( Cat-Walk Girls), ugana sheekeeyey " Wiilasha  iyo habla-haba" In ragu is guursan karo, haween-kuna is guursan karaan" arinaha sidaas ah ee ka dhacay Dugsiga Abaarso, buu ummadda u sheegay Sama-Fale Abdimalik Coldoon. sidaas baa uu ku xidhan yahay Mr A.M.Coldoon. waxana lagu af-gobaad-saday Waa kiis culus, oo may hayn in uu dadka ku yidhaaho diin-teenu ma ogola waxa uu ka sameeyey ka aan Cawil Xareed-na waa kiis fudud baa laga soo qaaday. airmaha cayn-kaas ahi, waa mid cadaalad iyo diinta islaamka labada-ba ka fog, oo Cawil Xareed Waxa uu Gawracay reerkii uu asla ahaan ula colka ahaa " Raggii ma adigaa ka hadhay" ee " Samaroon" markaas hawl uu doonayeey buu u fuliyey, isagaana soo direy in uu sidaas sameeyo oo ka dambeeyey weeye micnahu. Abdimalik Musa Coldoona waxa uu ka soo jeedaa reerkii uu hor ilaahay ula colka ahaa ee Graxajis. ee looma xukumin cadaalad iyo garsoor hor illaahay ah mid-na, ee la reernimo xukumay kii walba.

 

*N.B  Ayaan Daran Aaya Tiin Ma Leh!

Qore;- Abdi-Shotaly 

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...