Bukaan Socodka Liitaa Dadka Waa Ku Badan Yahay ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday April 06, 2019 - 08:10:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bukaan Socodka Liitaa Dadka Waa Ku Badan Yahay ( Abdi-Shotaly).

    Waxan saaka doonayaa in aan halkan kaga hadlo afar qodob ( 4 points), kuwaas oo khuseeya arimaha la isla dhex qaadaayo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan saaka doonayaa in aan halkan kaga hadlo afar qodob ( 4 points), kuwaas oo khuseeya arimaha la isla dhex qaadaayo,

oo mid keli ahi xaqiiq ka tahay, laakiin ay 3 kale ka fog-yihiin xaqiiq-dda, kuwaas oo kala ah:-


(1) Jawaabta uu bixiyey Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo ta runta ah



(2) Bukaan socodka liitaa dadka waa ku badan yahaye, Nac-nac-laha Af-hayeenka ka ah Guriggii Morgan ( Maaha Madax-tooyo'e), Waa Xaafad-Tooyo'e, oo isna aan in yar odhanayao.


(3) Suldaan Habaar Oo isna Dhex Fadhiistay Daamur Kulul.


(4) Boqor been madaw oo isna hunguri-giisii luxudka la soo kacay.


(1) Qodobka koowaad ee sare waxa weeyee, Axmed Cismaan Geelle Si cad, oo waadix ah, xisaabsan, buu u faah-faahiyey, jawaab celintii laga sii daayey Xaafad-tooyadda laga maamulo Guriggii moorgan, waxana uu ganac-sadahu si aan shaki ku jirin u bayaamiyey, in ay Baanka heshiis wadda galeen, kana amaahday $20 milyan oo doolar, iyaka oo rahamaad u qaatay hanti dhan $25 milyan oo doolar ($5 milyan dheer tahay), oo uu ganacsadahu iska leeyahay, ( taas oo isugu jirta, wershado, guryo, hay'yado, agab iyo qalabkii ay ku shaqaynayeen, sidda mishiinaddii oo kale). Hadaba akhristaw, waxa la yidhi af-af loo hayo iyo waaqiggii baa iska ba'aye, Ugu horeyn, aan idiin bilaabo'e, waxan doonayaa in aan idiin cadeeyo, beentii ay soo derdereen oo bas beeshay, taas oo ay u soo dhiibeen warqad, mid yar oo weli naaskii hooyaddii jaqaaya, hadaaqaya, oo imika hadal baranaaya, kuna eedeeyey Axmed Cisman Geelle wax aan sal iyo raad lahayn, waxana ay ku andacoodeen sidatan;-


(1a) In uu aanu ahayn-ba ninSomaliland u dhashay, isaga oo ah dhalad Somalilander ah, kana baxay dugsiyadda Hargeysa, waxna ku bartay.


(1b) Isaga oo Somaliland kula soo gabaday hanti tuugo ah, taas oo been siday u dhan tahay ah iyo ina wax kama jiraan. ee isaga laga dhacay hanti dhan $128 milyan oo doolar, xaq-darana loola wareegay iyo sifo aan sharci ku fadhiyin.


(c) waxa intaas dheer iyadda oo uu keliggii taliyaha Jabuuti, khasab ku yidhi naga sii hanti-daadda, oo naga qaybo geli ( Shares), taas oo meela aanu u soo marin.


(1d) Markii uu diiday Gancasade Axmed Cismaan, ee uu yidhi xaq iiguma lihid-na, dhamaan hamti-diisii la siiyey ama uu ku wareejiyey qoys-kiisa iyo intii ku xeerayd, ama hablo ha ka qabeen, ama isaga qoys-kiisa ha ahaadeene.


(1e) weliba edeb darradda intaas sii dheeri ay tahay, in baankii ay heshiiyeen, oo uu Ina Cumar geele iyo qoys-kiisu ay badh leeyihiin, ku amray in ay warqado been abuur ah qoraan, oo aanay wax ka jirin soo derderaan, maxakamad-na saaraan ay doonayaan in ay ku dhaxal wareejiyaan, taas oo iyana markii uu diiday, ay askariga ay xiddka yihiin ee Hargeysa u fadhiya, ay yidhaaheen noo soo qabo, laakiin ay ummadda reer somaliland, gebi ahaan-ba ay ka gilgilatay, oo tidhi ku dhac weyna, ma inta muwaadinka la dhaco, baa weliba loo gacan gelinayaa Cadawga ugu weyn Soimaliland ee Djabuuti. ummaduna ay u diyaar garawday, in ay naf iyo maal, xoog iyo cudud ku difaacan Ganacsade Axmed Cismaan Geelle.


(2a) Qaybta labaad oo iyana ah, In beenta ay Xaafad-tooyadda ka sii daayeen ( Waa Guriggii Moorgane), ay ku eedeeyeen, in uu kiciyey muwaadiniinta, oo uu nabadda khal-khal geliyey, hadaba aan is weydiino'e, yaa rebshedda abuuray iyo nabad gelyo la'aanta? Ee kiciyey ummadda? jawaabtu waxa weeye, kuwa ah hasha geela cunta ee cabaadaa waa iyaka ( Waa maamulka askarta'e).


(2b) Waxa kale oo uu yidhi yarka sheeganaaya af-hayeenku, Somaliland maaha meel lagula soo dhuunto hantidda laga soo dhaco wadanadda aynu jaarka nahay. waa yaabe, Horta wax baa iskaga khaldane, yaa la dhacay? Ma Djabuuti iyo Ina Cgeelle Basalka Jabuuti? Mise waxa la dhacay hantiddii muwaadiniinta Reer Somaliland?, Waxan ku odhan lahaa yarkan, isaka qaado mush-haaradda laguugu qorey Reer Hebel, wax ku hadli mayside.


(3a) Waxa la yidhi, magaca xagga Rabbi bvaa laga bixiyaaye, Habaaraw ummadda waa lagugu soo dhex tuuray, mana garanaysid waxad difaacayso, iyo waxa aad ka doodaysid mid-na, waxan ku waydiinayaa oo qudha, Suldaan Habaaraw intay kugu joogtaa? ama qiimahee baa lagugu siiyey in ay dedefayso xaqa?, oo aad wax aan jirin ka sheegto muwaadinka iyo salaadiinta Arab, ee si kaste looga diiday wadda hadal iyo waan-waan, ee cadaaladdii laga door biday Djabuuti baanu xidid nahay? Bal ummadda u sheeg, cidda beel dabadda gelisay, ee xaq daradda wadda cidda ay yihiin? Ma askariga u doodaaya Huda Xayd iyo nin-keedda ay xididka yihiin baa? Mise waa salaadiinta Arab? Salaadiinta Arab iyo ciddii kale ee xaqa ka hadashay-ba, runta bay ka sheegeen sidda wax u dhaceen, gaar ahaana Salaadiinta Arab iyo inta kale ee ku taageertay-ba, waa waxay cumaamadda u sitaan, una yihiin madax-dhaqmeedo, ahna hawsha loo egmmeday, in dadka ay ka mansuul yihiin xaqoodda u raadi-yaan, kana hadlaan goor kaste ( nin wixiisii la dhacay baad ka dooratay in dhuunta laguu qooyo), hunguri ma xishoodee.


(4a) Kan la yidhaaho Boqor Been Madaw, malaha waxad u taqaanaan ( Buur-madawe), isaga waa la yaqaan wuxu uu yahay, oo wuxu u soo galay in uu ka noqdo dilaal, oo kal xishoodda ma laha'e, waa munaafaq doonaaya in uu ka dhex faa'iido, oo sidiisii uu waxoogaa ka dhex qaado. Waxan ku soo koobay kan ku dheeraan-maayo'e, Boqorka Been madawaw, Axmed Cismaan Geelle Maaha kii aad baadhan jirtey ee Kornayl Qadaafiggii Liibiya, marxaladan waad ku hungawday, ilayn ceeb kama dhawrsa-tide, wuxuun baad martay dariiqii lagugu yaqaanay. fad-qalalo iyo isku dir mooyee wax kale uma noolide, weli waxa qoyan dabkii aad ka shiday Shaqaaqaddii Ceel af-weyn, ee aad colaadda aad u ahayd aabaha iyo hooyada'e, kala dhex bax ummadda dhibta, waxad ka abuuran tahay denbi lugo lehe.

* N.B Dacawo Halkay Macal Ku Barato, Bay Macaluul ugu Bakhtidaa!


Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...