Itoobiya Oo Qorshe Cusub Ku Waajahaya Wada-Hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya

0
Saturday April 04, 2020 - 09:46:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya Oo Qorshe Cusub Ku Waajahaya Wada-Hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya

    Ra'isal wasaaraha Itoobiya Md Abiy Axmed ayaa qorshe cusub ku wajahaya wada hadallada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isal wasaaraha Itoobiya Md Abiy Axmed ayaa qorshe cusub ku wajahaya wada hadallada
Somaliland iyo Soomaaliya kaas oo ku aaddan in dhanka Soomaaliya uu hoggaamiyo ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre.

Warar xogogaal ah ayaa wargeyska Geeska Afrika u sheegay in ra’isal wasaare Abiy oo dhawaan Addis Ababa kula kulmay ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre u bandhigay in hoggaamiyo wada hadalka dhanka Soomaaliya, islamarkaana marjac uu u noqdo ka dhigto madaxweyne Farmaajo.



Wararku waxay intaasi ku dareen in in Mudane Khayre aqbalay arrintaasi, islamarkaana la wadaagay siyaasiyiinta Somaliland ee Xamar jooga. Sida oo kale waxa la sheegay in ay dhanka telefoonka arrintan kaga wada hadleen Khayre iyo Biixi.


Qorshahan cusub ee Abiy Axmed la yimid ayuu ku sababeeyay in Somaliland xasaasiyad ka qabto madaxweynaha Soomaaliya Mr Farmaajo sidaasna uu doorbidayo in dhanka ra’isal wasaaraha lagu dayo.


Arrintan ayaa la sheegay in madaxweyne Biixi si kooban dhawaan ugu wargeliyay shirguddoonka baarlamaanka iyo madaxda xisbiyada Somaliland, islamarkaana u ballanqaaday faahfaahin dheeraad ah.


Qorshe hore oo Abiy Axmed ku doonayay in uu Farmaajo Hargeysa keeno ayaa u socon waayay laba jeer oo uu isku dayay kadib markii bulshada Somaliland si weyn uga hor timid.


Madaxweyne Biixi ayaa laga dhursugaya in uu bulshada Somaliland faahfaahin ka siiyo hannaanka cusub ee wada hadalka iyo arrimaha socda.


Maalmihii u dambeeyay madaxda dhaqanka Somaliland ayaa soo bandhigayay doodo ku saabsan in laga qayb galiyo wada hadalka, inkasta oo ay xukumaddu arrintaasi ka hor timid kuna goodisay in sharciga la hor gayn doono.

 

Loading...
Loading...