Ceel-Afweyn: Xildhibaan Ku Baaqay In Sharciga La Horgeeyo Dad Dil Gaystay

0
Saturday April 04, 2020 - 08:50:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ceel-Afweyn: Xildhibaan Ku Baaqay In Sharciga La Horgeeyo Dad Dil Gaystay

    "Cid kasta oo fidmo abuuraysa in la qabto, oo sharciga la hor keeno"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Cid kasta oo fidmo abuuraysa in la qabto, oo sharciga la hor keeno"

Hargeysa (HWN)-Xildhibaan Jamaal Xuseen Cawad, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Ceel-afweyn, ayaa ku baaqay in sharciga la kor keeno dadkii dhawaan dhimashada iyo dhaawaca ka geystay Deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag, waxaanu si gaar ah baaq ugu diray labada Beelood ee ay ka soo kala jeedan dadkii dhibta geystay iyo dadkii dhibta loo geystay.

 

Xildhibaan Jamaal Xuseen Cawad, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Cid kasta oo fidmo abuuraysa in la qabto, oo sharciga la hor keeno ayaa ku baaqayaa, dadkii dhawaan weerarka iyo dhibta geystay waa in sharciga la hor keenaa, oo xukunkooda lagu qaada, dadkii dhibta geystay beesha ay ku soo jeedaan waxaan leeyahay waa inaad soo qabataan dadkiina dhibta geystay, dadka dhibta loo geystay beesha ay ka soo jeedaan waxaan leeyahay idinkuna iska ilaaliya oo dhib ha geysana, ta kale iyada oo dhawaan Shir aad lagu wada faraxay  oo Burco inooga dhacay iyo fidno iyo dagaal ka dambeeya looma baahna, ee cid kasta oo fidno abuuraysa aynu iska qabano”

 

Dhinaca kale Xildhibaan Jamaal Xuseen Cawad, ayaa guud ahaan u ducaayey Shacabka Somaliland iyo guud ahaan umadda Muslimka ah, waxaanu ugu ducayey inuu ALLE ka hayo xanuunka halista badan ee dunida saamaynta xoogan ku yeeshay.


Loading...
Loading...