Yuusuf Garaad Oo Ka Hadlay Hanjabaada Hay'adda Nissa Twitter-ka U Marisay Weriye Haaruun Macruuf

0
Friday April 03, 2020 - 19:22:51 in News by
  • Visits: 2092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuusuf Garaad Oo Ka Hadlay Hanjabaada Hay'adda Nissa Twitter-ka U Marisay Weriye Haaruun Macruuf

    Yuusuf Garaad Oo Ka Hadlay Hanjabaada Hay'adda Nissa Twitter-ka U Marisay Weriye Haaruun Macruuf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yuusuf Garaad Oo Ka Hadlay Hanjabaada Hay'adda Nissa Twitter-ka U Marisay Weriye Haaruun Macruuf


Muqdisho(HWN):-Yuusuf Garaad oo hore u soo noqday tifaftiraha idaacada BBC-da iyo wasiirka arimaha dibada soomaaliya ayaa ka hadlay hanjabaado ay hay’adda sirdoonka soomaaliya ee NISSA u jeedisay weriye Haaruun Macruuf oo ka tirsan laanta afka soomaaliga ee VOA.

Fahad Yaasiin Iyo Yuusuf Garaad Oo Ay Ka Dhax Qaraxday & Wariye ...


Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kaga horyimid hanjabaado ay hay’adda NISSA barteeda Twitterka u marisay weriye Haaruun Macruuf.


Yuusuf Garaad ayaa qoraalkiisu u dhignaa sidan:-


Ma ogi waxa ayNISAsheegtay in ay iyadu ka og tahay Haaruun Macruuf.


Mana sahashan karo eedeyn ku saabsan khatar ka dhan ah Amniga Qaranka.


Haddana ma jecleysan farriinta ay NISA soo jeedisay, Goobta ay ku soo bandhigtay iyo khaanadda ay dhigtay Heybadda Dowladnimada Soomaaliya.


Laba eedeymood oo ay NISA u jeedisay weriyaha ayaa ah falal ka baxsan anshaxa saxaafadda iyo xiriirro khatar ku ah Amniga Qaranka.


Anshax marin saxaafadeed Sirdoon shaqo kuma laha.


Haddiise ay hesho xogta fal dambiyeed ka dhan ah Amniga Qaranka, waa shaqada Hey’adda Sirdoonka.


Markaas tallaabada la gudbooni waa in ay wargeliso booliiska, baaritaan uu sameeyo, ka dibna ay Xeer ilaalintu kiis ku soo oogto cidda dembiga lagu tuhmay.


Maxkamad la wada aado. Caddeymaha eedeynta iyo Difaaca eedeysanaha dooddiisa uu isu miisaamo Garsoore. Sharcigu uu shaqeeyo.


Dal Dimuqraaddi ah, oo sharci iyo kala dambeyn leh, hey’addiisa sirdoonku weriyayaasha uguma hanjabto baraha bulshada.


Sirdoonkuna hey’adaha dalkiisa xog xasaasi ah uguma gudbiyo Saxaafadda bulshada.


Ma jecleysanayo in aan arrimaha Hey’addeenna Sirta Qaranka uga hadlo Saxaafadda Bulshada, laakiin iyada ayaa dooddaas keentay isla goobtaan.


Su’aasha Dowladda Federaalka u taallaa waxay tahay:


Haddii Hey’adda Sirdoonka ay Dowladdu ka adeejisay in ay u cagajugleyso weriye jooga Washington oo aad nooga fog, una shaqeeya Idaacad ay leedahay Dowladda Mareykanku, waa maxay damaanadda iyo xorriyadda ay sheegi karto in ay haystaan weriyayaasha dalka Gudihiisa jooga?


Waxaa qoray: Yuusuf Garaad Cumar

 

Loading...
Loading...