Qof Kasta Oo Somaliland Ugu Dhinta Cudurka Covid-19 Masuuliyadiisa Ma Lagala Xisaabtami Karaa Muuse Biixi Iyo Xukuumadiisa?..Faallo

0
Friday April 03, 2020 - 18:23:06 in News by
  • Visits: 1293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qof Kasta Oo Somaliland Ugu Dhinta Cudurka Covid-19 Masuuliyadiisa Ma Lagala Xisaabtami Karaa Muuse Biixi Iyo Xukuumadiisa?..Faallo

    Qof Kasta Oo Somaliland Ugu Dhinta Cudurka Covid-19 Masuuliyadiisa Ma Lagala Xisaabtami Karaa Muuse Biixi Iyo Xukuumadiisa?..Faallo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qof Kasta Oo Somaliland Ugu Dhinta Cudurka Covid-19 Masuuliyadiisa Ma Lagala Xisaabtami Karaa Muuse Biixi Iyo Xukuumadiisa?..Faallo


Hargeysa(HWN):-Hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wali ku adkaysanaya Qorshayaal masuuliyad daro badani ka muuqata oo uu halis ku galinayo shacabka somaliland.




Hogaamiye Muuse Biixi waxa uu meel adag ka taagan yahay in la joojiyo duulimaadyada diyaarada Itoobiya oo si joogto ah u timaada garoonka Hargeysa taas oo dad ka soo qaada wadamo badan oo uu saameeyey xanuunka dunida faraha baas ku haya ee Coronavirus.


Talaabooyinka hogaamiye Muuse Biixi ayaa ku soo beegmaya wakhti ay madaxweyneyaasha caalamku dedaalka ugu badan galinayaan sidii ay shacabkooda uga badbaadin lahaayeen xanuunka Coronavirus kuwaas oo qaaday talaabooyin ay ku xakamaynayaan dhamaan dhaqdhaqaaqyada ka jira dalalkooda.

Xukuumada Muuse Biixi oo weli ka war-waregaysa fulinta qodobadii ...


Marka aynu eegno qorshaha u yaala hogaamiye Muuse Biixi ee uu khatarta ku galinayo caafimaadka bulshada somaliland waxa la dareensan yahay inaanay dhaafsiisnayn dano dhaqaale oo qoyskiisu leeyahay balse Madaxda caalamku waxay qaadeen ka hortag balaadhan oo ay shacabkooda ku badbaadinayaan iyada oo masuul kastaana uu gudanayo waajibkii ka saarnaa bulshadiisa.


Afhayeenka aqalka Congress-ka maraykanka Nancy Pelosi Oo ka hadlaysay xanuunkan ayaa sheegtay in qof kasta oo Maraykan ah oo u dhinta xanuunkan uu masuuliyadeeda leeyahay madaxweyne Trump, iyada oo ku eedaysay inaanu samayn talaabooyin ka hortag ah mudadii uu xanuunkani ka jiray dalka Chine.


Hadaba maadaama oo hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi uu muujinayo masuuliyad daro weyn oo uu shacabka somaliland ugu soo waaridayo xanuunka halista badan ee Coronavirus, miyaan la odhan Karin waajib ayey ku tahay inuu tunka u rido masuuliyada qof kasta oo reer somaliland ah kaas oo xanuunkani ku dhaco isaga oo ku sugan dalka gudihiisa?.


Dadka siyaasada falanqeeya ayaa sheegaya in sababaha uu Muuse Biixi masuuliyadaas u qaadayo ay ugu horayso isaga oo aan qaadin wax talaabooyin ah oo uu kaga hortagayo inaanu xanuunka Coronavirus soo gaadhin somaliland taas badalkeedana uu ku kacay go’aamo sahlay in xanuunkani uu si sahlan ku soo gaadhay somaliland, waxaanay falanqeeyayaashu tilmaamayaa in Muuse Biixi ogolaaday inay dalka timaado diyaarad sida dad badan oo xanuunku ku dhacay kuwaas oo Diyaarada Itoobiya ka soo gurtay wadamada Yurub iyo Ameerika.


Sidoo kale somaliland ayaa haatan wajahaysa khatar baahsan oo kaga imanaysa faafitaanka xanuunka Coronavirus iyada oo kiisaskii ugu horeeyeyna laga helay magaalooyinka Burco Iyo Berbera oo ay tageen dadkii ka soo degay madaarka magaalada Hargeysa, waxaana haatan iswaydiin mudan xanuunka ka jira Burco Iyo Berberaa maka fayawdahay Hargeysa iyo magaalooyinka?


Marka la eego qaabka fudud ee xanuunkani ku faafayo, waxa suuragal ah isla markaana hubaal noqon karta in xanuunka laga helay magaalada Burco aan laga waayi Karin Laascaanood Iyo Ceerigaabo halka xanuunka laga helay Berbera uu si fudud uga jiri karo Hargeysa Iyo Boorama.


 

Shacabka Somaliland ayaa haatan looga baahan yahay inay sameeyaan talaabooyin badan oo ay ku ilaalinayaan caafimaadkooda isla markaana kaga hortagayaan in cudurka Covid-19 uu ku faafo, iyada oo ay halis badan wajihi doonaan haddii cudurka dad badan gaadho maadaama oo bulshada somaliland aanay awoodi Karin in mudooyin bilo ah ay guryaha ku xaraysnaadaan maadaama oo noloshoodu ku tiirsan tahay tacabka ay sameeyaan maalin kasta.


Hogaamiye Muuse Biixi ayaa haatan lagu tilmaami karaa inuu caafimaadka bulshadiisu kaga fayoobayd xanuunka halista ah ee Coronavirus uu dhaafsaday lacagta kooban ee loogu tala galay inay dawlada ka soo gasho madaarka Hargeysa oo haatan qoyskiisu gacanta ku haysto iyo dhaqaale aan buurnayn oo uu ka filayo hay’adda WHO oo taageeraysa wadamada uu hooseeyo adeegooda caafimaad ee u badan qaarada Afrika.


Talaabooyinka ay masuuliyad daradu ka muuqato ee Muuse Biixi ku kacay isla markaana ilaa hada aan waxba laga qaban balse lagula xisaabtami karo mustaqbalka oo keenay in xanuunka Coronavirus uu soo gaadho Somaliland ayaa waxa ka mid ah.


1.Muuse Biixi iyo xukuumadiisa oo si badheedh ah u dayacay talaabooyinkii ka hortaga.

2.Masuuliyadii karantiimaynta ee dadka ay soo daabushay diyaarada Itoobiya oo fashilantay.

3.Dhaqaale iyo dhakhaatiir aqoon leh oo aanay Muuse Biixi iyo xukuumadiisu qorshayn.

4.Qaadka ka soo galaya Itoobiya oo wali soo gaadhay somaliland iyo diyaarada Itoobiya oo duulimaadyadeedii caadiga ahaa ku imanaysa madaarka Hargeysa.



 

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...