Siyaasiga Oromada Ee Jawar Maxamed Oo Ka Hadlay Khilaafka Madaxda Kilalka Soomaalida Itoobiya

0
Friday April 03, 2020 - 16:24:25 in News by
  • Visits: 3024
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiga Oromada Ee Jawar Maxamed Oo Ka Hadlay Khilaafka Madaxda Kilalka Soomaalida Itoobiya

    Siyaasiga Oromada Ee Jawar Maxamed Oo Ka Hadlay Khilaafka Madaxda Kilalka Soomaalida Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Oromada Ee Jawar Maxamed Oo Ka Hadlay Khilaafka Madaxda Kilalka Soomaalida Itoobiya


Jawar Mohammed ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda sare ee Dawladda Deegaanka Soomaalida, kaas oo sababay in Madaxweyne ku-xigeenku uu maanta duhurkii iskaga baxo magaalada Jigjiga.

Ethiopia officials say pro - Jawar Mohammed protesters killed in ...


Xiisad siyaasadeed oo muddooyinkii u dambeeyey ka dhex jirtay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo ay la kala safan yihiin golaha Wasiirradu ayaa xalay qaraxday markii uu Madaxweyne Mustafe Cagjar xabsiga u taxaabay Madaxii Baratakoolka Madaxtooyada, isla markaana uu xabsi guri geliyey Hoggaankii Nabadgelyada, kuwaas oo saaka xilalkii laga qaaday kaddibna loo dhaadhiciyey xabsiga dhexe ee Jigjiga.


Khilaafkan oo muddooyinkii ugu dambeeyeyba uu la socday Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaanu wax tallaabo ah ka qaadin, inkasta oo wararku sheegayaan inuu Madaxweyne Mustafe ku amray in aanu wax tallaabo ah qaadi karin.


Siyaasiga Oromada ee Jawar Mohammed ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu kaga dalbaday dhinacyada khilaafku u dhexeeyo ee Madaxda deegaanka Soomaalida in aan la joogin wakhtigii la is qabsan lahaa.


Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook oo ay ku xidhan yihiin dad ku dhow laba milyan oo qof, ayaa waxa uu Jawar Mohammed ku sheegay in aan la joogin wakhtigii loollan siysaadeed ay Soomaalidu dhexdooda ka geli lahayd, laakiin ay tahay inay la dagaallanka xanuunka Coronavirus u guntadaan.


Qoraalka Jawar oo dhamaystiran ayaa waxa uu qornaa sidan:-


"Walaalahayga Jigjigoow!
Lama joogo wakhtigii xaalad iyo xiisad siyaasadeed la oogi lahaa. Waa wakhtigii la la dagaalami lahaa coronoviruska ee maaha wakhtigii lala dagaalami lahaa dadka loolanka siyaasadeed idinka dhaxeeyo”. Ayuu yidhi Jawar Mohamed.

Loading...
Loading...