Hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya Oo Talaabo Ka Qaadaysa Weriye Ka Shaqeeya Idaacada VOA
Muqdisho(HWN):-Hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee Nissa ayaa hanjabaad ku dirtay wariye ka tirsan laanta afka soomaaliga ee VOA.
Hay'adda nabad sugida Soomaaliya ee NISSA ayaa shaacisay inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadeyso wariyaha caanka ah Harun Macruuf oo ka tirsan Idaacada Codka Maraykanka VOA Laanteeda afka Soomaaliga.
Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in Harun Macruuf uu leeyahay xiriiro khatar ku ah Amniga Qaranka.
"NISA waxay talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadaysaa Harun Macruf, oo leh xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta.
Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka Hey’adda NISA soo dhigtay barteeda Twitterka.
Faahfaahin kama bixin NISA cida uu weriye Harun Macruf la leeyahay cida uu leeyahay xiriirada khatarta ku ah amniga Qaranka, welina ma cadda waxa ay NISA ku qoonsatay weriyahan.