Dawlada Spain Oo Shaacisay Tiradii Ugu Badnayd Ee Xanuunka Covid-19 Ka Dilo Maalin Kaliya

0
Friday April 03, 2020 - 15:42:08 in News by
  • Visits: 1694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Spain Oo Shaacisay Tiradii Ugu Badnayd Ee Xanuunka Covid-19 Ka Dilo Maalin Kaliya

    Dawlada Spain Oo Shaacisay Tiradii Ugu Badnayd Ee Xanuunka Covid-19 Ka Dilo Maalin Kaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Spain Oo Shaacisay Tiradii Ugu Badnayd Ee Xanuunka Covid-19 Ka Dilo Maalin Kaliya

Dawladda Spain ayaa ku dhawaaqday 932 qof inay u geeriyoodeen fayruska Corona Jimaha maanta, iyadoo tirada guud ee dalkaa u geeriyooday fayruska ay gaareyso 11,000 oo ruux,taaso ka dhigeysa dalka ku yaal Jasiiradda Iberian Peninsula ee Yurub, waddanka labaad ee Yurub oo dadka ugu badan uu ku dilay Covid-19, ka dib dalka Talyaaniga.


Coronavirus: Spain's COVID-19 death toll exceeds 1,000 | Euronews

Dunida oo dhan, tirada dhimashada coronavirus waxay kor u kacday 53,000 , waxaana taariikh kale oo naxdin leh ah in dad ka badan hal milyan laga helay xanuunka coronavirus.


Mareykanka ayaa soo sheegay tirada dhimashada ugu badan ee maalin kasta dal kasta illaa iyo hadda ku dhawaad 1,200 ayaa ku dhimanaysa dalkaas. Haatan geeriida ayaa gaartay in kabadan 6,000 ,maadaama cudurka faafa uu si dhakhso ah ugu faafayo Marekanka.


In kabadan 1,013,000 oo qof ayaa laga helay fayraska adduunka, sida laga soo xigtay xogta jaamacadda Johns Hopkins. In ka badan 210,000 oo qof ayaa ka soo kabsaday cudurka, oo ay ku jiraan 9,000 oo Mareykanka ah.


Loading...
Loading...