Markale iyo Midnimo
ARAR: Warqadaydan kuma difaacayo dawladda Muuse Bixi; wanaageedda iyo gaabinteedaba waxaa qiimaynaya dadkii doortay. Aniguna uma foodin oo ma dooran. Waxay dawladdaasi samaysonna taariikhdaa sheegi doonta. Labanna ha kala saaro dalka iyo dawladda hadda hogaaminaysa. Qofkasta iyo xukunkastaanna gaabis wuu leeyahay. Sixid baanna ka fiican dhaleecayn. Eeg casharradii laga bartay dagaaladdii hore.
Marka hore waxaan aad u salaamayaa Weriyaasha iyo Website-yadda soo gudbiya fekradaha kale duwan ee ay qabaan ummadda Somaaliyeed meel kastay joogtaba- Waadna ku mahadsan tihiin baan leeyahay.
Maqaalkan gaaban wuxuu daaran yahay fekerka ku cad cinwaanka sare iyo ololaha ku saabsan oo maal mahanba ka soconaya Social Media. Waxaanna jeclaystay inaan fekerkan suaalo ka waydiiyo dadka hogaaminaya.
Horta midnimo waa wanaag, diinteenna ina furaysa, waxaanna jeclaan lahaa intaan noolahay inaan arko Somali isu hilowday taas oo Jibouti, Hargeysa, Jigjigga, Muqdishu iyo NDF midoobeen laakiin xaaladda hadda lagu jiro yaa isu keeni kara?, goormaa la heli karaa midnimaddaas aan ku riyoonayo?
Suaalahaas Jawaabahooddanna mar kale ayaan u dhiganaynaa Isha Allah.
Durbaanka, hugunka, bulaanka iyo Qayladda ‘Markale iyo Midnimo’ dadka tumaya intooda badan waa saaxiibadday aan reer UK isku nahay. Qaar badan oo ka midda aan guri wada degnay, ceeshna wada cunnay. Sidaa awgeed aqoon baanu isu leenahay intooda badan.
Saaxiibadday
waxaan u sheegayaa in fekerkaasu u
baahan yahay ka baaraan degid iyo rog rogid, caadifad iyo qabyaalladna aanu meel
ku lahayd, dadkana la marsiin Karin ama qancin Karin si sahlan. Waayo arin
masiiriya waxay u baahan yahay ka feker dheeraadda.
Waan
ogahay inay dhibaatooyin badanni dalka ka jiraan. Waxaanna ka saaridda
dhibaatooyinkaas loo doortay dadka Somaliland maanta hogaamiya. Waana waajib
diini ah oo saran iyaga, innaguna talo bixin baynu ku leenahay si loo gaadho
maslaxadda dadkeenna iyo dadkeenna. Hadday ka soo bixi waayaan waa in
doorashadda dambe laga tuuraa meesha. Muuse Bixi wuu tegi doonnaa dalkuse wuu
joogayaa ilaa dunida la rogayo sidaas awgeed ma rabno rebshado iyo dagaal
sokeeye midnaba.
Suaalo badan yaa Markale iyo Midnimo ka muuqda oo jawaabo u baahan in dadka laga qanciyo jooga Somaliland, loona baahan yahay in loo caddeeyo jawaabahooda. Tusaale ahaan;
1. Yaa u baahan midnimadd- Somalia mise Somaliland?,
2. Kee baa fiican midnimo ama kala tag? (unification or separation)?
3. Sidee dad 30 sanno kala maqnaa oo necayb guun ihi kala dhex galay laysugu soo dhoweynayaa?
4. Dadka Somaliland ma cod (VOTE) baa laga qaadayaa midnimo ama kala tegid (self determination or unification vote) yaase ka qaadaya (who will conduct voting process? Yaa ilaaliyaa ka noqonaya (neutral observers)?
5. Dadka deggan Somaliland ma qasab baa Xamar lagu geynayaa (compulsory unification)? Yaase gayn kara (who can force them)? Yaa jujuubi kara? ma nin qorbe joog ah baa rari kara oo wakiil ka ah (Do Diaspora represent Somaliland people)?
6. Midnimo noocee ah baad dadka ka iibinaysaan (unification category)?
7. Ma
wax baa la wada yeelanyaa mise Somaliland waa la yeelanayaa?
8. Ma gumaysigii iyo silicii (re-colonisation, genocide, ethnic cleansing, annihilation and eradication)baa dadka dib loogu celinayaa?.
9. Dagaalka dambese xagee loo qaxayaa? Ethiopia?
10. Somaliland ma intay hubka dhigtay is dhiibaysaa ( surrendering).
11. Ma nabadda ayey dhiibaysaa oo Al-shabaab iyo qarax ku bedelaysaa (give up peace, stability and exchange with terrorism, pirates, wars, etc?
12. Maxay Somaliland ku helaysaa midnimada? (what are the benefits of unification for Somalilanders)?
13. Reer koonfureedku midnimo ma rabaan? Maxay uga hadli waayeen, yaase wakiil ka ah? Keenna caddayn?.
14. Yaa lala heshiinayaa? Ma puntland?, ma Galmudug?, Hirshabeele?, Koonfur-Galbeed?, Jubbaland? Mise Mogadishu?
15. Midnimo noocee ah baad la helayaa? Ma tii 1960 mise tu ka duwan?
16. Yaa wada hadlaya? yaase dhex dhexaadinaya? Waynu ognahay go,aannaddii shirarkii hore ma fulin, yaa socodsiinaya ama hirgelinaya waxa lagu heshiiyo haddii la heshiiyaba (who will enforce Somali-Somaliland treaties).
17. Ma federation ka jira kay Somaliland ka mid noqonaysaa? Mise co- federation? Mise qaab kale ayaad haysaan?
18. Somaliland ma colony bay noqonayaa mise protectrate?
19. Haddii la heshiiyo yaa damaanad qaadaya in wixii dhacay inaanay soo noqonaynin?
20. Xaggee la geynayaa ciidammadan fara badan reer Somaliland?
21. Yaa cashuurta ururinayaa?,
22. yaa standard waxbarashadda ka masuula?
23. Side resources loo wadaagayaa?
24. Sidee xukunka loo wadaagayaa?
25. IWM
Sualahani waa tusaale keliya, laakiin in ka badan 20,000 (labaatan kun) oo suaalood baa jawaabo u baahan intaan sheekaddan (Markale iyo midnimo) dadka la maqashiin.
Waxaan saaxiibaday u sheegayaa in fekerkan caadifaydaysani aanu ka soconaynin hadda waayo caalamo dhowr ah oon fiicnayn baa ka muuqda (destrictive symptons) sida;
a. Reer Konnfureedka oo aan midnimo iyo wax ka maqanba ogayn. Joogitaanka Somaliland iyo maqnaansheheeduna aanay macna u samaynin. Arrintaas cadayn badan baan u hayaa oo Dooxa ayaan kula kulmay wasiiradda dawladda hadda ka xamar jirta qaar ka mida oo afcad iigu sheegay in maqnaansha Somaliland aanay wax qiima ah layn. Wasiir baa igu yidhi (I quote) "Degmadda Waajid oo Alshabaab haysato iyo Somaliland waa igu kay mid. Annigu wasiir baa ahay, roog casna waa la ii fidinayaa mar walba”
b. Reer Koonfureed ka oo aan daacad ka ahayn wada hadaladda iyo midnimadda waayo wixii lagu heshiiyey oo dhan way ka baxeen. Wixii lagu heshiiyeyna waxba kama fulin dhammaantood.
c. Dadka
"Markale iyo midnimo” wadda oo dhammaantood Somaliland ka soo jeedda dhowr ujeeddana
ka muuqdaan sida
(i) Kursi doon- Muuse Bixi qadiyey markay kala soo sheeqeeyeen in la doorto iyo
(ii) Qabyaladiyo reer nacayb ku aadan madaxweynaha Somaliland ka taliya hadda.
(iii) Mashruuc - mashruuc danno gaar leh oo lagu helayo lacago laga soo qaaday xafiiska Raisal Wasaare ku xigeenka Somalia.
(iv) Fekerkan: Feker Qurbajoog sitapassports debedeed dalkanna raad badan ku lahayn.
(v) Mashruuc:mashruucan oo aan lahayn dariiq cad oo la
raaci karo (no concrete programme, plans, procedures, standards, or guidelines
it lacks fundamental ethos) oo hadduu socon waayona xagga looga leexanayo aan
la qeexin (alternative plans B, C, etc).
Markaas mashruucani wuxuu u eg tahay caatifaddii 1960 Xamar lagu tegey. Waxaase u dheer intii Mr. Albert Einstein ka sheegay waalida. I quote "definition of insanity is doing the same thing over and over again and expecting a different result”
Waxaan ku soo af meerayaa hal bayd oo gabay aan filayo inuu tiriyey Allah ha u naxariistee Xaaji Aadan Afqalooc ka mid ahaa.
Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin talo lagaa reebay halkii aan laga rabin indha lama sii raaco.
Fiira Gaar ah (Nota Bene)
Kama soo horjeedo in loo wada hadlo (Somalia – Somaliland) wixii lagu heshiiyona la fuliyo (unification or self determination) waana soo dhoweynayaa, waxaanse ka soo horjeedaa (caadifadda, Qabyaalladda iyo Mashruucan oo aan lahayn working Agenda) mashruucan oo ay ka muuqdaan dhammaan calaamadihii fashilaadda ee aan kor kusoo sheegay (It smells fishy).
Waxaan
ku talin lahaa in fekrado saliima aqlabiyadda dadkuna raali ka yahay la soo
diyaariyo oo intaydaan Social Media ka sheegin ula tagtaan dadka loo doortay
hogaminta Somaliland oo hirgelinta fekradihiinnana ka taageertaan. Haddii kale
fekradihiinu ma shaqaynayaan.
Kelmaha qaloocan ee Media la isu marinayaanna wax ma taraan. Somaliland Muse Bixi baa xukuma idinkuna qurba joog baad tihiin ee ha ilaawina.
Eng. Mahmuud Qoorubaxay Doha, Qatar.