Itoobiya: Waxaan Diyaarinnay Goobo Lagu Karantiili Karo 180,000 Oo Qof

0
Friday April 03, 2020 - 09:37:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya: Waxaan Diyaarinnay Goobo Lagu Karantiili Karo 180,000 Oo Qof

    Xoghayaha warfaafinta ee xafiiska Ra'isal wasaaraha Itoobiya Nigusu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha warfaafinta ee xafiiska Ra'isal wasaaraha Itoobiya Nigusu

Tilahun oo caawa xafiiskiisa shir jaraaid ku qabtay ayaa sheegay goobihi karantiilka ee horay u jiray ka sokoow in la diyaariyey 180 goobood oo lagu hayn karo dad ka badan 180,000 oo qof.



Mr Nigusuu wuxuu sheegay goobahaasi karantiilka loo diyaariyey ay gabagaba marayaan u dhammeystirka qalabki iyo xirfadlayaashi caafimaad ee ay u baahnaayeen si heegan loo geliyo.


Goobahaasi la diyaariyey ayaa isugu jira xaruumo caafimaad, huteella, iskuulaad iyo gooba lagu cibaadeysto oo dhammaantood loo adeegsan doono howsha akarantiilka.


"Dadka dibadda ka imanaya waxaa loo diyaariyey 7 huteel oo lagu hayo, waxaana dhammaan goobahaasi si adag u ilaalinaya ciidama boolis ah oo qalabkooda u dhammeystiran yahay" ayuu yiri.


Xog ay shacabka dowladda soo gaarsiiyeenna waxay laamaha amniga ay gacanta ku soo dhageen ayuu yiri seddex qof oo ka baxsatay goob karantiil looga hayey inta ay shacabka la kulminna la soo qabtay oo goobihi lagu hayey dib loogu celiyey.


Mr Nigusu waxa kale uu sheegay labadi maalmood oo la soo dhaafay guddiga qaaraan uruurinta la dagallanka cudurka Coronavirus looga tala galay iney soo gaareen lacag dhan 47 milyan oo birr oo ay shacabku ku deeqeen.


Lacagaha horay loo uruuriyey oo ahaa 150 milyan, marka loo geeyana waxay noqoneysaa qaaraanka shacabka dalka laga soo uruuriyey 197 milyan oo Birr oo lacagta dalka itoobiya ah oo u dhiganta $5.6 malyan oo doolar.


Magaalada Addis Ababa waxaa lagu diyaariyey seddex sheybaar oo looga tala galay in lagu baaro faayraska Covid-19.


Deegaannada uu ka kooban yahay dalkaasi Itoobiyana waxaa loo qaybiyey qalabka lagula tacaalo faayraska Corona oo looga tala galay bukaanka iyo dhakhaatiirta caafimaadka.


Dalka Itoobiya waxaa ilaa iyo hadda faayrska Covid-19 laga helay 26 qof oo mid ka mid ah uu yahay bukaan aad u liita.


Guud ahaanna dadka cudurka laga helay ee caalamka ku nool waxay gaareen 1,000,177 halka dadka dhintayna ay gaareen 51,356.

 

BBC

Loading...
Loading...