Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Feyriska Corona
In ka badan 53,000 oo qof ayaa cudurka u dhimatay halka 2010,000 oo qofna ay ka caafimaadeen Fayraska Corona, sida ku xusan warbixinta tirakoobka Jaamacadda.
Mareykanka ayaa hogaaminaya tirada guud ee dadka uu ku dhacay xanuunkan,dhimashaduna waxay dalkaasi gaadhay ku dhawaad 6000 oo qof.
Dalka Spain shalay oo kali ah waxa cudurka ugu geeriyooday 950 qof.
Dalka Hindiya rai'sul wasaare Narendara Modi ayaa muuqal uu baahiyay waxaa uu muwadiniinta dalkaasi ku boorriyay in xanuunkan si wada jir ah loola dagaalamo.
Hindiya ilaa iyo imika waxaa la xaqiijiyay 2,000 oo kiis halka 53 qofna ay cudurka u dhinteen.
Shiinahana waxaa aad hoos ugu dhacday tirada dhimashada iyo kiisaska cusub, waxaana dalkaasi oo ah meeshii ugu horreysay ee uu ka soo if-baxay xanuunka muddo haatan laga joogo 3 bilood looga dhawaaqay maalin fasax ah oo loo baroor diiqayo dadkii ku dhintay xanuunka Corona Virus.
Dhimashada cudurka ee guud ahaan caalamkao oo sii kordhaysa
Waxaa cudurka imika guud ahaan caalamka ugu dhintay 53,000 oo qof .
Hadaba tirada dhimashada dalalka uu cudurka aafeeyay ayaa kala ah sida soo socota.
Taliyaaniga 13,915
Spain 10,348
US 5,911
Fransiiska 5,387
Shiinaha 3,322
Iran 3,160
UK 2,926
Netherlands 1,341
Jarmlka 1,107
Belgium 1,011
BBC