Xukuumadda Somaliland Oo Ruqsadii Kala Noqotay Fly Dubai Iyo Al Arabiya

0
Thursday April 02, 2020 - 19:18:35 in News by A. Asbaro
  • Visits: 4883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Ruqsadii Kala Noqotay Fly Dubai Iyo Al Arabiya

    Xukuumadda Somaliland Oo Ruqsadii Kala Noqotay Diyaaraddaha Fly Dubai Al Arabiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland Oo Ruqsadii Kala Noqotay Diyaaraddaha Fly Dubai Al Arabiya

Hargaysa(HWN):-Xukuumadda Somaliland ayaa shirkadaha duullimaadyada ee Fly Dubia iyo Air Arabia ku amartay in aysan kasoo degi karin garoomada deegaanadeeda.

Somaliland ayaa diyaaradaha shirkadahaas ku eedeysay in ay u hoggaansameen amarkii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku joojisay duullimaadyadii caalamiga ahaa.


War qoraal ah oo kasoo baxay hey’adda madaarada Somaliland ayaa lagu sheegay in shirkadahaas lagu war gelinayo in aysan soo caga dhiga karin garoomada diyaaradaha Somaliland ilaa amar dambe.

Flydubai unveils flights out of Kilimanjaro International Airport ...

Somaliland qoraalka ay kasoo saartay duullimaadyada shirkadahaas si cad uguma shaacin sababta ka dambeeysa, balse ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in xukuumaddu ku tuhuntay shirkadahan in ay u hoggaansameen amarkii dawladda Soomaaliya, kaas oo lagu hakiyey dhamaan duullimaadyadii caalamiga ahaa ee imaan jiray dalka, iyadoo markii dambena joojisay kuwii gudaha, si looga hor tago faafidda cudurka Coronavirus.

Labadaas shirkadood ee Fly Dubia iyo Air Arabia waxaa laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, waxuuna dalkaasi joojiyey dhammaan duullimaadyada diyaaradaha rakaabka ah.

Waxaa xusid mudan in shirkadda Ethiopia Airline aysan joojin oo weli ka degto magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, halkaas oo ay keento rakaab kuwo kalena ay ka qaado, iyadoo inta badan isku socodkii dunida loo hakiyey cabsida sii kordheysa ee Coronavirus.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland







Loading...
Loading...