Somaliland: Xaddiga Lacagta loo Qoondeeyey Mashaariicda la Hakiyey ee ku Jira Miisaaniyadda 2020.

0
Thursday April 02, 2020 - 15:54:21 in News by
  • Visits: 1922
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Xaddiga Lacagta loo Qoondeeyey Mashaariicda la Hakiyey ee ku Jira Miisaaniyadda 2020.

    Somaliland: Xaddiga Lacagta loo Qoondeeyey Mashaariicda la Hakiyey ee ku Jira Miisaaniyadda 2020.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland: Xaddiga Lacagta loo Qoondeeyey Mashaariicda la Hakiyey ee ku Jira Miisaaniyadda 2020.


Hargeysa(HWN):-Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aamiyey in la hakiyo mashaariicda kala duwan ee loogu talogalay in laga fuliyo Miisaaniyad-sanandeedka 2020-ka, go’aankaas oo qayb ka mid ah sidii dhaqaale loogu diyaarin lahaa qorshayaasha lagula tacaalayo xannuunka halista ah ee Coronavirus ee saamaynta xooggan ku yeeshay caalamka.



Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ay yeesheen maalintii Khamiista ee toddobaadkii hore, ayaa qodobbadii ka soo baxay lagu daray in la hakiyey mashaariicdii horumarka ee ku jirtay miisaaniyadda sannadka 2020, iyadoo ujeedaduna tahay in lagu talogalay dhaqaale wax lagaga qaban karo haddii uu xannuunka Covid-19 uu saamayn xooggan ku yeesho dalka Somaliland.


Haddaba, wargeyska Jamhuuriya, waxa uu akhristayaasha iyo bulshada reer Somaliland halkan ugu soo gudbinayaa xaddiga dhaqaalaha loogu talogalay in lagu bixiyo mashaariicda la hakiyey ee ku jirta Miisaaniyadda sannadkan 2020, iyadoo wargaysku uu warbixin kooban ka diyaariyey xogta uu ka soo xigtay buugga miisaaniyad-sannadeedkan 2020, taasoo u dhigan sidan;


"Lacagta loo qoondeeyay in lagu hirgaliyo Mashaariic Miisaaniyadda 2020-ka waa 376,246,245,316 SLSH (saddex boqol, toddobaatan iyo lix bilyan, laba boqol, afartan iyo lix milyan, laba boqol, shan iyo afartan kun, saddex boqol, lix iyo toban Somaliland shillin ah) una dhiganta 18.36%, lacagtaas oo noqonaysa $44,791,220 doollar, haddii lagu beddelo celcelis ahaan qiimaha sarifka suuqa ee uu soo saaro Baanka Dhexe ee Somaliland ee ah 8,400 SLSH ($1= 8400 SLSH), halka haddii lagu beddelo heerka sarifka dowladda ee ah in halka doollar la mid yahay 7,000 SLSH ay noqonayso $53,749,464 doollar.


Sida ku cad miisaaniyad-sannadeedka 2020, dhaqaalahan la hakiyey, waxa loogu talogalay in lagu fuliyo mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin dhismayaal loo samaynayo Wasaaradaha iyo Hay’adaha dowliga ah, xabsiyo kala duwan, mashaariic lagu horumarinayo dhinaca wax-soo-saarka beeraha, madaarrada dalka, horumarinta waddooyinka, horumarinta gobollada bariga iyo mashaariic la xidhiidha dhinaca degaanka iyo khayraadka badda, halka sidoo kale dhaqaalahan la hakiyey qaybo ka mid ah loo qoondeeyey in dowladdu ku soo iibsato qalab iyo gaadiid.”


Mashaariicda kale ee Dawladda


Sida ku cad odoroska miisaaniyadda 2020, waxa kaloo jira dhaqaale badan oo loo qoondeeyey in 

lagu fuliyo mashaariic dowladeed oo aan ahayn hantida raagta ee ay ka mid yihiin dhismayaasha

 iyo qalabka loogu talogalay in muddo dheer la isticmaalo, waxayna lacagtaasi dhan tahay 

171,563,089,428 SLSH (boqol, toddobaadkan iyo kow bilyan, shan boqol, lixdan iyo saddex milyan,

 sagaal iyo siddeetan kun, afar boqol, siddeed iyo labaatan shillin), una dhiganta $20,424,177 

doollar (labaatan milyan, afar boqol, labaatan iyo afar kun, boqol, toddobaatan iyo toddoba doollar) 

oo ah marka lagu beddelo celceliska qiimaha sarifka suuqa ee uu Baanka Dhexe soo saaro oo ah 

8,400 SLSH ($1= 8400 SLSH), taas oo Miisaaniyadda guud ka noqonaysa 8.39%, halka haddii 

sarifka dowladda lagu beddelana ay intaas ka badnaanayso, iyadoo lacagtan loogu talogalay in lagu

 fuliyo Mashaariic badan oocusub oo laabuuray iyo kuwiihore u jirayoo la xoojiyey, 

Mashaariicadan waxaynu ka tilmaami karnaa;

ØMashruuca shaqo qaran;

ØMashruuca Caafimaafka iyo waxbarashada ee Sool iyo Sanaag

ØMashaariicda Beeraha

ØMashaariicda Xooolaha iyo kaluunka

ØMahaariicda Deegaanka iyo daryeelka ugaadha

ØMashaariicda Sahaminta Macdanta iyo Shidaalka

ØMashaariicda Hirgalinta E-Government-ka, Samaynta furuha Dal ku galka Isgaadhsiinta iyo hirgalinta Xarumaha ICT-ga

ØMashaariicda Horumarinta dhallinyarada iyo qabashada koobka Ciyaaraha Gobollada

ØMashaariicda Horumarinta Waddooyinka iyo Madaarrada

ØHirgalinta Doorashooyinka Baarlamanka iyo Dowladaha Hoose

ØMashaariicda Horumarinta GobolladaBariga iyo Maamul-daadejinta

ØDiyaarinta Aaga warshadaha (Industrial Zone)

Warsaxaafadeedka lagu shaaciyey go’aannada ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirrada ee 

qabsoomay maalintii Khamiista ee toddobaadkii hore ee ay taariikhdu ahayd 26 March 2020, laguna

 caddeeyey in la hakiyey mashaariicda ku jira miisaaniyad-sannadeedka 2020, waxa uu u qornaa sidan;

"Fadhigii 56-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey 

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), kana 

qabsoomay qasriga madaxtooyada Somaliland, waxa maanta (Khamiistii hore) lagu lafo-guray ka

 hortagga xannuunka saf-mareenka ah ee Coronavirus, sidii loo libinlaabi lahaa dedaalka 

Xukuumad iyo shacbi ahaan loogu jiro ka hortagiisa xannuunkaasi.

Waxaana falanqayn iyo dood dheer oo goluhu yeeshay ka dib ay soo saareen qodobbadan:-

1. In Guddidii heer qaran ee Ka-hortagga xannuunka Coronavirus lagu xoojiyo Madaxweyne-ku-

xigeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasiirka Horumarinta Maaliyadda, waxaana guddidaasi laga

 bilaabo maanta (Khamiistii toddobaadkii hore) guddoomin doona Madaxweyne-ku-xigeenka.


2. In maadaama oo dadka intiisa badani ku dhaqan yihiin Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, 

guddidii heer degmo ee Caasimadda, iyana lagu xoojiyo Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, 

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, waxaana 

guddidaasi 

guddoomin doona Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, si ay u diyaariyaan goobo caafimaad.

3. In dib loo eego cashuur-dhaafkii Xukuumaddu hore u samaysay.

4. In la hakiyey mashaariicdii horumarka ee ku jirtay miisaaniyadda sannadka 2020.

5. In dowladdu ay iibsanayso dhammaan raashinka waddaniga ah ee ka soo go’ay beeraha dalka, waxaannu ka mid noqon doonaa keydka raashinka qaranka.

6. Waxa kale oo goluhu go’aamiyey in cashuur-dhaaf loo sameeyo agabka iyo daawooyinka lagula tacaalayo xannuunka coronavirus.

7. Sidoo kale Golaha Wasiirradu waxay bil mushaharkeed ugu deeqeen in lagu kabo dhaqaalaha xannuunka Covid 19, lacagtaas oo ka mid noqon doonta kharashaadka lagaga hortegayo xannuunka Coronavirus.

8. Ugu dambayn, waxa goluhu go’aamiyey in wixii hadda ka dambeeya shirarkii la isugu iman jiray iyo waraaqihii la isu gudbin jiray xafiisyada loo beddelo habka tiknoolajiyada, si looga hortago faafida xannuunka Corona-virus,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.



Xigasho:-Wargeyska Jamhuuriya
Loading...
Loading...