Xukuumadda oo Xidhay Mid Ka Mida Dugsiyadda gaarka loo Leeyahay
Xukuumadda oo Xidhay Mid Ka Mida Dugsiyadda gaarka loo Leeyahay
![Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo Soo Gebo-gabeeyey Shirka ...](https://aftahannews.com/wp-content/uploads/2020/01/WASIIRKA-WAXBARASHADA-IYO-SAYNISKA-SOMALILAND-AXMED-TOORNO-2020.jpg)
Hargeisa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Axmed Diiriye Cigge waxa uu markii ugu horraysay sheegay inay Xabsiga dhigeen mid ka mida Dugsiyadda gaarka loo leeyahay, kadib markii uu ka hor-yimid Ammaraddii guddiga ka hor-taga Xanuunka CORONAVIRUS.
![Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo Soo Gebo-gabeeyey Shirka ...](https://aftahannews.com/wp-content/uploads/2020/01/WASIIRKA-WAXBARASHADA-IYO-SAYNISKA-SOMALILAND-AXMED-TOORNO-2020.jpg)
"Dugsigaasi waxa uu dugsi ka mida kuwa gaarka loo leeyahay ee lagu barto luuqaddaha. Dugsigaasi umalayn maayo innuu Liisan haysto, meesha uu ku jiraanna maaha meel ku habboon in Tacliin lagu barto.
Waxaannu leenahay dad noo soo sheega Dugsiyadda furan, markaa markii aanu ka war helnay Dugsigii baannu tagnay oo fasal yar oo cidhiidhi ah ay Wiilashii iyo Gabadhihii is dhex fadhiyaan oo meeshu ku yar tahay, markaa Maamulkii, Macalimiintii iyo Ardaydiiba waanu Xidhnay. Ardayda laftooddu haddii ay qaan-gaadh yihiin waa danbiilayaal, markaa hadda waxa lagu sii daayay damiin, laakiin yeedhistii Maxkamadda ayay sugayaan oo dacwad baa lagu qaadayaa." Ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashadda Somaliland
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...