Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Xaalada Covid-19 Ee Soomaaliya Wajahayso

0
Thursday April 02, 2020 - 15:03:35 in News by
  • Visits: 1216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Xaalada Covid-19 Ee Soomaaliya Wajahayso

    Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Xaalada Covid-19 Ee Soomaaliya Wajahayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Xaalada Covid-19 Ee Soomaaliya Wajahayso


Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, MudaneXasan Cali Khayre, ayaa caawa ka hadlay dhibaatada Caabuqa Corona iyo cudurka ka dhasha ee loo yaqaan Covid19, saameynta uu dalkeenna ku yeelan karo, iyo sida looga gaashaaman karo.




Ugu horreyn Ra’iisul Wasaaraha waxuu sheegay in cudurkaan uu qaar kamid ah dalalka caalamka ugu horumarsan dhaqaalaha, aqoonta, tiknoolajiyadda iyo adeegyada bulshada ee uu caafimaadku ugu horreeyo, sababta uu sidaas ugu faafana ay tahay inay yaraysteen xajmiga cudurka iyo deg- degsiiyaha uu ku fidi karo.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirkadaha Isgaarsiinta ka codsaday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyi gelinta, sidoo kale ganacsatada ayuu ugu baaqaya inaan la kordhin sicirka raashinka daruuriga ah, wasaaradda maaliyaddana waxuu faray in ganacsatada laga khafiifiyo canshuuraha cuntada daruuriga ah iyo dawooyinka inta dhibkani socdo, Bulshadana waxuu ka codsaday inay qaataan talooyinka caafimaad, si looga hortago qatarta ballaan ee COVID19.


Ra’iisul Wasaaraha waxuu caddeeyay daawada ugu wanaagsan ee illaa iyo hadda la isku raacsan yahay waa ka hortagga, Guusha ama fashilka dadaallada ka hortaggana ay marka ugu horreeysa illaa iyo xad ku xiran yihiin qofka ama shakhsiga iyada oo ay muhiimaddeeda leedahay dhaqanka ummadeed iyo sida ay ugu hogaansamaan qorshayaasha iyo talooyinka madaxdooda iyo howl-wadeennadooda caafimaadka.


Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku celiyay in illaa amar dambe xiranaan doonaan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, iskuulada, dugsiyada quraanka iyo jaamacadaha, waxuuna sidoo kale caddeeyay in lagama maarmaan ay tahay in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo isu imaatinka ka badan 5 qofood.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Nuur Xasan Xuseen, Nuur Cadde oo cudurkan ugu geeriyooday dalka ingiriiska, Waxuu sidoo kale tacsi u diray qoysaska muwaadiniinta Soomaaliyeed ee cudurkan ugu geeriyooday daafaha caalamka, gaar ahaan dalalka Sweden, Ingiriska, Denmark, Norway iyo meelaha kale.


Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay inay muhiim tahay in la xoojiyo foojignaanta Maadaama uu cudurkani si xooggan ugu soo badanaayo Geeska Afrika.


"Waa inaan aqbalnaa in aan ku jirno xaalad aan caadi ahayn oo aan garwaaqsanaa in cudurkani dhab yahay sidaa daraadeed waa inaan muujinnaa foojignaan dheeri ah si aan dadkeenna u badbaadinno. Cudurkan sida saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.


"Walaalayaal aan si wadajir ah uga shaqayno badbaadinta ummaddeenna iyo jebinta cudurkan saf-marka ah. Awoodda dawladnimo oo dhan ayaan u isticmaali doonnaa si aan ummaddeenna uga badbaadinno saameeynta cudurkan. Waa inaan samaynaa diyaar garowga ugu badan iyo kahortagga ugu mudan”, ayuu sidoo kale Codsaday Ra’iisul Wasaauhu.


"Si looga hor tago cudurkan kuma filno dawladda federaalka kaligeed, kuma filna, madaxda dawlad-goboleedyada kaligood. Waxaannu u baahannahay garabkiinna, dhegihiinna, qalbigiinna, xooggiinna, iyo waa tan ugu muhiimsane dareenkiinna oo buuxa”, ayuu raaciyay.


Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Dowladdu ay ka shaqayn doonto inay hergeliso qorshe lagu kabayo dhaqaalaha dalka ganacsatada iyo deeq bixiyayaashana ay wadahadal kala geleyso sidii xal loogu heli lahaa saamaynta dhaqaale ee dalka ku imaan doona.

—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...