Masuul Tallooyin Dhaxal-gal ah u soo jeeddiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

0
Saturday April 06, 2019 - 05:07:01 in News by A. Asbaro
  • Visits: 4379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul Tallooyin Dhaxal-gal ah u soo jeeddiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

    "Nin ku yidhi i daw mari Duudsiguu tirsanayoo Laga daayo mooyee; Wixii kalaba doog iyo Dacar bay ku kiciyaan." – Dabataxan, Gaarriye (AHN).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Nin ku yidhi i daw mari Duudsiguu tirsanayoo Laga daayo mooyee; Wixii kalaba doog iyo Dacar bay ku kiciyaan." – Dabataxan, Gaarriye (AHN).

HAL AAN KA IDHI ARRINTA AXMED CISMAAN GEELLE

W/Q. Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan

"Nin ku yidhi i daw mari
Duudsiguu tirsanayoo
Laga daayo mooyee;
Wixii kalaba doog iyo
Dacar bay ku kiciyaan.” – Dabataxan, Gaarriye (AHN).

 

Hargaysa(HWN):-Siyaasiga Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan ayaa Madaxweynaha Somaliland u diray talooyin dhaxal-gal ah, waxaannuMadaxweyne Biixi u soo jeeddiyay in khilaafka Ahmed Cismaan Geelle iyo Dawladda Djibouti uu si Odaynimo ah u gallaa, isla markaanna uu gartaa in Waajib ka saaran yahay doonista Hantida Ahmed Cismaan Geelle.

Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan oo bartiisa facebook-ga ku baahiyay qoraalkan ayaa waxa uu Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu doorkii ku habboonnaa uu ka qaato, waxaannu Canaan u soo jeeddiyay Masuuliyiinta deegaankaas ka soo jeedda oo uu sheegay inaanay doorkooddii qaaddan, isla markaanna aannay Xaaladda ka odayayn.

Maalmihii ugu danbeeyay waxa jirtay arrin innagu ugub ah oo u dhexaysa ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa shalay hadlay, waxa sidoo kale xalay shir saxaafadeed qabtay afhayeen u hadlay Axmed Cismaan Geelle. Arrintaasi way dhammaan doontaa taariikhna way reebi doontaa, dadkana waxa aan leeyahay yaan si caaddifadaysan loo sii buunbuunin.

Madaxtooyadu waa xabagta isku haysa ummadda, madaxweynuhuna waxa uu leeyahay adeegayaal uu u xushay hawlaha qaranka, kuwaas oo xidhiidhiya madaxweynaha iyo shacabka. Arrintan waxa iiga soo baxday in uu maqan yahay biriishkii isku xidhi lahaa Beesha Arab iyo madaxtooyada JSL. Raggii uu madaxweynuhu deegaankaas ka xushay doorkoodii may qaadan, waana sababta keentay in muhmal iyo madmadaw kala dhex galo madaxtooyada iyo beesha.

Ugu danbayn, Madaxweynaha JSLMuuse Biixi Cabdi waxa aan leeyahay Axmed Cismaan Geelle waa muwaaddin ganacsade ah oo aad madaxweynihiisii tahay, difaaca hantidiisa iyo doonista hantida ka maqanina waa waajib madaxweyne oo ku saaran.

Sidaas darteed, madaxweyne waxa aan ku leeyahay hoos ha u eegin dhawaaqyada dhinacyada kala duwan ee bulshada ka yimid, cunfi danbana yuu jirin ee noqo kii caafimaadka keenayay, Ilaahayna ha ku waafajiyo.

Wa billaahi Tawfiiq.


Loading...
Loading...