Maxaynnu ka barannay Corona?..W/Q Ibraahim Hawd

0
Wednesday April 01, 2020 - 21:03:44 in Articles by
  • Visits: 1662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaynnu ka barannay Corona?..W/Q Ibraahim Hawd

    Maxaynnu ka barannay Corona?..W/Q Ibraahim Hawd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaynnu ka barannay Corona?..W/Q Ibraahim Hawd


Goor ay ahaataba sida dabiiciga ah cudurkani dunida wuu ka baxayaa, waxaa se xaqiiq ah in wacyiga guud ee bani aadanku ku koray kuna korayo.


Warqaddii Gabowday Gabowday Gabowday (Sheeko Gaaban) - Qalinkii ...


1. Waxaa la gu baraarugay xaqiiqada ku jirta gabayga Ismaaciil Mire ee ah "Dal dhan bay gubtaa dhuxul yar oo duur la galiyaaye". Dunidu maanta waa tuulo yar, cudurka meel ka dillaacana ma jirto cid kale oo ka badbaadaysaa.


2. Waxsoosaarka iyo irsaaqadda dadyowgu maanta aad bay isu gu wada xidhan tahay, haddii xidhiidhka iyo dhaqdhaqaaqa dunidu xayirmana dadyowga liita ama is dhigtay ee aan waxba la soo bixini gaajo ayay u bakhtiyayaan. Taasi wax ay waajibinaysaa in maanta ka dib awoodda qarameed oo dhan la saaro u gu yaraan in cuntada la la soo baxo.


3. Warbaahinta xoogga leh iyo adeegga baraha bulshadu wax ay suuragaliyeen in dadku aqoon fiican u yeeshaan duruuftooda qofeed caafimaad ahaan. Tusaale ahaan in dadka waayeelka ah iyo dadka xanuunno hore qabaa u nugul yihiin u dhimashada xanuunnada yaryar sida hargabka, taas oo ina baraysa in dadka da'da ah iyo dadka jirrooyinka leh mar walba il gaar ah la gu eego.


4. Waxaa xog badan la ga helay cayilka ama shilaysku in uu qofka u soo jiido cudurrada una nugleeyo dhimashada.


5. Waxaa aad loo bartay muhimadda ay nadaafaddu u lee dahay ka badbaadista cudurrada faafa, siiba faraxalka iyo ka digtoonida taataabashada meelaha faraha dadku ku badan yihiin, arrimahaas oo weligood dhakhaatiirtu sheegi jireen laakiin dad badani dhayalsan jireen.


6. Waxaa wacyi loo yeeshay waxa qofka la gudboon haddii uu is ka helo xanuun nooca hargabka ah, oo ay tahay in aanu dadka dhex galin iyo in uu xakameeyo neeftiisa, hindhisadiisa, qufaciisa iyo taabashada.


7. Waxaa wacyi loo yeeshay dheefaha dabiiciga ah ee difaaca jidhka iyo caafimaadka xoojiya, sida sinjibiisha, toonta, liinta, malabka, xabaasuudda, guud ahaan khudradda iyo biyaha saafiga ah.


8. Waxaa aad loo maqlay in la ga taxaddaro in talo caafimaad la ga qaato cid aan aqoonteeda cilmiyeed lahayn, ha ahaato wadaad, geedagooye iyo mushacwad kale oo dhan.


9. U gu dambayn bulshooyinka muslinka ah intooda aqoonta iyo wacyiga liidata waxaa la gu baraarujiyay iyaguna yaqiinsadeen in aanay jirin fayrasyo iyo cudurro si gaar ah gaalada u beegsada oo muslinka ka leexda, waayo qofka iimaankiisu waxba ka ma beddelo abuurtiisa bayooloji/jidheed ee fayraska iyo bakteeriyadu doonayaan in ay ku tarmaan.


Qodobbadaasi haddii ay wacyigeenna galaan oo fikirkeenna iyo dhaqankeenna ka mid noqdaan wax aad iyo aad u badan baa inoo hagaagaya mustaqbalka.


Qore Ibraahin-Hawd Yuusuf

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...