MADAXWEYNE WAA BEENTAA KU ODHAN MAAYO WAA SE LA MOODA W/Q A.A. Cali

0
Friday April 05, 2019 - 23:41:08 in Articles by
  • Visits: 1439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE WAA BEENTAA KU ODHAN MAAYO WAA SE LA MOODA W/Q A.A. Cali

    MADAXWEYNE WAA BEENTAA KU ODHAN MAAYO WAA SE LA MOODAA A. Cali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE WAA BEENTAA KU ODHAN MAAYO WAA SE LA MOODAA A. Cali


Mudane madaxweyne marka hore waa afeefe, ma jirtaa in nin durbaan qaatay ilaaq dalbaday. Hadaba waa dhaliil qoraalkaniye sababtu waa aad adigu xilka doonatay oo wixii qalad ah ee maamulkaagu ku tallaabsado aad dhaleecadeeda leedahay oo aad odaygeedii u tahay, sida wanaagaba aad nooga filayso marka wax qumman la qabto!

Image result for muuse biixi


Hadal aan run ahayn baad nala hor timi oo aad weliba ku nuuxnuuxsanaysaa inaad ku saxantahay wax gaf noogu muuqda anaga oo aad u badheedhay inaad noo sheegto. Waa run oo hadalka beenta ah ee Maxamuud nagu yidhi waa been aad noo sheegtay ilayn waxa af-hayeenkaagu yidhaahadaa waa Madaxweyne Muuse oo hadlayee.


Wax lala yaabo waxa ah in aad ummaddaada ku tidhaahdo waxa maxkamadaha dalka dacwad lagaga furayaa muwaadin reer Somaliland ah oo aanad adiga iyo xukuumadaadu toona caddayn karayn in wax dayn ah lagu leeyahay . Axmed Cismaan hadiiba ay jirto cid uu wax ka amaahday, marka ay siinayeen amaahda waxa uu ahaa muwaadin Djiboutian ah laakiin marka uu Hargaysa dhex joogo waa Axmed Cismaan Geelle oo ah reer Somaliland markaa bankiga Faransiiska ah ee wax u sheeganayaa ma sharciga Somaliland buu wax ku siiyey mise ku dal kale? Waa ta labaade, sidee aad noo odhan kartaa waxaan ogolaanay in maxkamadaha Somaliland u garnaqaan nin reer Djibouti ah iyo Faransiis meel ay wax isku siiyeen iyo meel ay wax ku kala qaateen aanay Somaliland ahayn bankiga la sheegayaana aanu sharciga dalkeenu qabanayn ba ilayn dal kale ayuu ka jiraaye?


Marka qof ganacsade ahi banki ganacsi lacag ka amaahanayo saw ma jirto wax dammaanad u ah lacagta la siiyey oo hadii uu lacagtaa la bixin waayo loo qaadanayo oo qofkaasina weliba saxeexo isaga oo ku qanacsan. Qofkan bakiga Faransiiska ahi daba cararayo hantidiisii ammaahdaa dammaanadda ka ahayd ee Djibouti ka taallay muxuu bankigu u xaraashan waawey inta uu sharciga Djibouti raaco? Intaa in aad ku tidhaahdaan ma garan weydeen mise waad is yeelyeelaysaan?


Soo bood adiga iyo taageerayaashaada jibbaysani oo i dhaha, xeerka caalamiga ah baa sidaa dhigaya. Waa lax baa lagaa yidhi! Madaxweyne dunidu haddii aanay inaba aqoonsanayn sidee xeerkeedu inoo qabanayaa?


Waxaad na tidhi saraakiil bankiyo France iyo Djibouti laga leeyahay ka socda ayaa cabasho inoogu yimi oo aad ka dhegaysateen wax ay ka tirsanayaan muwaadin Axmed Cismaan Geelle oo waabad ka dhegaysateen gudina waabad u saartay arintaa! Waa su’aale madaxweyne bal sida ay arintaasi garta u tahay ee aad ugu ogolaateen banki aan sharciga dalkeennu qabanayn, oo aan kaba shaqayn dalkeenu sababta uu marka uu isagu wax doonayo sharciga dalkeenna loo liidayo ee shisheeye loogu muraad quminayaa iyada qudheedu ma sax baa oo sharciga dalkeenaa dhigaya in qudhiisa la liido oo shisheeye loogu qabbaano? Halkaana waad noo yara faahfaahin mudane madaxweyne madaxaa ha raagee!


Waa dhab oo bankigaa eedaynaya muwaadinku mar buu ka furtay Hargaysa qayb, hase yeeshee inuu haatan shaqeeyo iyo in kale ma hubo, waxaase wax lawada ogyahay ah in bankigaa xukuumadda Djibouti saamiyo ku leedahay. Hadii ay sidaa tahay oo uu qayb Hargaysa ku lahaa bankigaasi, dee sharciga Somaliland baa kaa lagu dhaqayaa ee sharciga Djibouti lagu dhaqi maayo, ka daynta la sheegayo laga qaatayna ma aha qaybta ay Somaliland ku lahaayeen. Waxa wax kala amaahday waxa weeyi muwaadin Djiboutian ah iyo banki Djiboutian ah, halka wax lagu kala qaatayna waa dalkooda ee maxaa inaga inna soo gelinaya wax aan sharcigeenu xukumin oo sharciga wax lagu kala qaatay yahay mid dal kale? Kollay adigaa noo faahfaahin madaxweyne ee na fahansii!


Interpol in loo dhiibo ayay naga dalbadeen baad na tidhi, inaad ka diiday iyo inaad ka aqbashay toona noomaad sheegine bal hadda halkaana warcad naga sii oo noogu noqo. Interpol waa hay’ad boolis oo dunida ka dhaxaysa laakiin hadii dunida aynaan dal jira ka ahayn oo ay diidantahay qaranimada dalkeenna maxaa inagu kallifaya in aynu u adeegno dalal aan inna ogolayn. Miyaanay ka haboonayn in aad halkaa ka dhigataan ba hal aad ku dooddaan oo ah waar haddaad doonaysaan in aan dunidaay idin la shaqayno dee na aqoonsda, qawaaniinta dunidu ha na qabato markaase?


Mar kale madaxweyne waxaad na tidhi Jamhuuriyadda Barakaysani waxay dedaal ugu jirtaa in ay dunida ka hesho ictiraaf, sidaa awgeed na ma doonayso in ay noqoto meel lagula soo dhuunto hantida dalalka kale laga soo dhaco. Billaahi calayk madaxweyne midhkaasi ma qabto muwaadinkaase xaal bixi, sidee ayaad muwaadin si dadban ugu tilmaami kartaa inuu tuug yahay ama maafiyo caalami ah iyada oo aan xataa boolisku ku eedaynin midhkaa bal maxkamadaha dalkeenu haba ii dambeeyaane!


Madaxweyne hadalka aan naga kaa qaban naga daa billaahi calayk anaga oo muwaadiniinta ahna na xaal mari, ilayn berito anagana sidaa aad Axmed Cismaan Geelle u wanjalayso ayuun baad noo wanjali doontaa oo hadaad doonto Djibouti iska daaye aad Boko Haram naga iibin doontaaye!


Mudane Madaxweyne, waa sidaad tidhiye hadii ay dhab kaa tahay, in muwaadinkaa iyo faranjigaa loogu garqaado maxkamadaha dalkeenna ma jiraa horta xeer shisheeyaha u ogolaanaya in muwaadin reer Somaliland ah wax lagu eedaynayo oo aanu Somaliland gudaheeda ku samayin maxkamadaheenna lagaga soo oogi karo. Bal haba ku soo oogaan, oo adiga iyo taageerayaashaadu xeer caalamiya aad kollay iigu jawaabtaane, yaa dacwaddaa soo oogaya? Ma xeer ilalaalinta dalkeenna mise bankigaa waraaqihiisii sita ee macal isagu isku maragga ah? Xeer ilaalinteenna Djibouti ma u ogolaan doontaa in ay wixii caddaymo madax bannaan ah ee ay doonayso dalkaa ka soo hesho oo xataa saraakiil dawladeeda ka tirsan su’aalo gar ah weydiin karto?


Hadii ay dhab kaa tahay oo aad leedahay Somaliland sumacad ay dunida ka raadinayso ayaan ilaalinayanaa, waa su’aale sidee ayuu damiirkaagu kuu siinayaa in aad muwaadin dalkaaga u dhashay u ogolaato in lagu maxkamadeeyo dal aan qudhiisuba u hogaansamin xeerarka caalamiga ah oo aan xataa dhawrin xuquuqda dadkiisa, miyaanay taa qudheedu sumcadda aad na leedahay waan dhawrayaa aanay dhaawacayn?


Djibouti miyaanay ahayn tii diiday in ay u hogaansanto gartii ay qaadday maxkamad London ku taal oo muwaadinka reer Djibouti ee Cabdiraxmaan Boore u xukuntay in xoolihiisii laga dhacay Gelle u celiyo, miyey dheg jalaq u siisay? Miyaanay Djibouti ahayn tii ganafka ku dhufatay ee dhegaha ka furaysatay xukunka maxkamadii iyaga iyo DP World u garnaqday ee qirtay in shirkaddaa xaqeedii ay duudsiday, ma Djibouti baa qaddarisa xeerarka caalamig ah?


Dal aan sharciga caalamiga ah ixtiraamayn oo aan xataa kiisii tixgelinayn sideed u aqbali kartaa in wada shaqayni idin dhex marto xataa hadaad sharaf dawladeed iyo karaamo raadinayso? Miyaanay ahayn in aad hangool dheer inagaga qabato, oo aanay shaadhka aad leedahay waan ilaalinayaa aanay inaga wasakhayn? Waxaas oo dhami miyaanay mudane Madaxweyne cambaar inoo soo jiidayn haday kaa dhab tahay oo aad sumacadda dalkeena ilaalinayso?


Midh kale ayaa jirta Madaxweyne, in kasta oo wasiirkaaga daakhiligu beeniyey, hadii xukuumaddaadu doonayso in ay muwaadin Axmed Cismaan u dhiibto Djibouti, waraaqihii aad na tidhaahdeen waa been, hadana adiga oo nala hadlaya ayaad tidhi Axmed Cismaan Geelle ayaa sifo sharci darro ah kaga soo qaatay wasaaradaha ay ka soo baxeen ee aad dafirayseen markii hore, saw taa macnaheedu ma aha in ay jireen waxan aad dafirteen markii hore haatanna aad leedihiin muwaadinkaas baa sifo sharci darro ah ku helay? Keebaad waalantahay madaxweyne, ilayn adaa nala hadlayey oo af-hayeenkaaga u soo dhiibay hadalkee?


Waa su’aal kale Mudane Madaxweyne horta ma jiraa heshiis baarlamankeenu ansixiyey oo dhigaya in dalkeenna iyo Jamhuuriyadda macawisuhu ay isu dhiibi karaan dadka lagu eedaynayo in ay dambiyo ka galeen dalka ay ka baxsadeen?


Waa midh kalee hadiiba aad arinka ku eegtay indho oday dhaqameed, maxaad marna uga hadli weyday hantida uu sheegtay muwaadinkaas qudhiisu in laga dhacay oo ay kaga xayirantahay Djibouti, mise indhahaagu dhinac qudha uun bay arkaan? Madaxweyne waxay ila qumman in aad dad indho dalqo ku yaal wax ku arka aad iska ilaalisid dhegaysigooda oo aanad afkooda macaan ku go’aan qaadane aad talada badsataa.


Mudane madaxweyne, ugu dambayn, Axmed Cismaan Jamhuuriyadda barakaysan wuu ka go’aa oo anagaaba soo xidhayna oo odhanayna waar muwaadin adiga iyo hantidaaba dalkaanu u sanqaynaynaaye iska samire, ictiraaf dawli ah in aad ka keenayso Faransiiska iyo jamhuuriyadda macawisaha ma noo damaanad qaadaysaa?


Ugu dambayn madaxweyne, waa iga talo ee billaahi calayk qoraalka Af-Soomaaliga iska hagaaji, maalin walba waraaqaha xafiiska af-hayeenkaaga ka soo baxa ee ah hadalkaagii ayaanu siday u qoran yihiin ka yaayaqsoonnaa e. Hambalyadii aad u diraysay xisbiga talada Kililka Shanaad ee Ethiopia haya ayaa ugu dambaysay oo iga walla in aan ilmo yar oo iskuul hagaagsan dhigta oo fasalka saddexaad ahi sidaas oo kale wax u qorayne!


Madaxweyne qaddarinta iyo ixtiraamka aad mudantahay ma diidani mana dafiri karo, laakiin qoraalkaygani ceebayn ma aha ee waa muwaadin wax tabanaya iyo canaantii!

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...