Afhayeenka Madaxtooyada Oo Fadeexado Waa Weyn Kala Kulmay Jaaliyada Somaliland Ee UK Iyo Sababaha Keenay Hanjabaadihii Uu Jeediyey

0
Wednesday April 01, 2020 - 15:41:10 in News by
  • Visits: 3186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Madaxtooyada Oo Fadeexado Waa Weyn Kala Kulmay Jaaliyada Somaliland Ee UK Iyo Sababaha Keenay Hanjabaadihii Uu Jeediyey

    Afhayeenka Madaxtooyada Oo Fadeexado Waa Weyn Kala Kulmay Jaaliyada Somaliland Ee UK Iyo Sababaha Keenay Hanjabaadihii Uu Jeediyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Madaxtooyada Oo Fadeexado Waa Weyn Kala Kulmay Jaaliyada Somaliland Ee UK Iyo Sababaha Keenay Hanjabaadihii Uu Jeediyey

Hargeysa(HWN):-Afhayeenka madaxtooyada somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa dhawaan ka soo laabtay safar ay fadeexad qaawani ka raacday oo uu ku tagay wadanka Ingiriiska.


Safarka uu afhayeenka madaxtooyada somaliland ku tagay wadanka Ingiriiska ayaa noqday mid uu wajigabax kala kulmay guud ahaanba jaaliyada somaliland ee ku dhaqan dalkaasi, iyada laga gaabsaday in wax qaabilaad ah loo sameeyo mudadii uu joogay.

Maxamuud Warsame Jaamac. - Bài viết | Facebook


Xogo Hadhwanaagnews heshay ayaa sheegaya in kulanka kaliya ee afhayeen Maxamuud Warsame loogu qabtay magaalada Bristol uu noqday mid ay madaxtooyadu abaabushay isla markaana dhaqaale badani ku baxay sidii loogu qaban lahaa.


Afhayeenka socod baradka ah ee Madaxtooyada somaliland ayey ka baaqdeen kulamo uu qorshaystay inuu ku yeesho magaalooyinka ugu waaweyn ee dalka Ingiriiska ka dib markii ay bulshada somaliland ka gaabsadeen inay aqbalaan martiqaado kala duwan oo loo soo diray.


Afhayeen Maxamuud Warsame ayaa markii uu gaadhay wadanka Ingiriiska waxa uu qorsheeyey in kulanka koowaad uu jaaliyada somaliland kula yeesho magaalada Londonbalse jaaliyada ayaa ka cudurdaartay inay la kulmaan afhayeenka taas oo keentay in kulankaasi baaqdo.


Sidoo kale magaalada labaad ee wadanka Ingiriiska ee Birmingham ayuu waji gabax kale kala kulmay afhayeen Maxamuud Warsame ka dib markii ay jaaliyadu ka cudurdaarteen inay la kulmaan balse afhayeenka ayaa isku dayey inuu si gaar ah u abaabulo dadka ay isku deegaanka yihiin si ay ugu camiraan munaasibada ay jaaliyadu ka cudurdaaratay taas oo ugu dambayn fashilantay ka dib markii ay waxgaradka beeshiisuna ganafka ku dhufteen.


Afhayeenka madaxtooyada ayaa cadho uu ka qaaday kulamada loo faaruqiyey ee London Iyo Birmingham waxa uu kula duldhacay jaaliyada Shefield oo ay u badan tahay beeshiisu kaas oo ka diiday dalab ay u soo gudbiyeen oo ay doonayeen inay kulan kula qaataan, inkasta oo wararku sheegayaan inuu ahaa kulan loogu tala galay in si adag lagula xisaabtamo afhayeenka ka soo jeeda gobolka Sanaag.


Taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee magaalada Bristol oo ay dabada ka riixayso madaxtooyada somaliland ayaa hirgeliyey xaflad kooban oo loo qabtay, iyada oo ay xusid mudan tahay in afhayeenka madaxtooyadu uu xafladaasi uga soo hanjabay qurbajooga Ingiriiska oo uu sheegay in xabsiyada lagu gurayo marka ay dalka yimaadaan haddii ay joojin waayaan mucaaridnimada ay kaga soo horjeedaan xukuumada Muuse Biixi ee ay hadyo jeer ku faafiyaan baraha bulshada.


Afhayeen Maxamuud Warsame ayaa si deg deg ah uga laabtay wadanka Ingiriiska oo uu waji gabax foolxun kala kulmay jaaliyada somaliland ee dalkaasi, taas oo cadaynaysa inaanu wax saamayn ah ku dhex lahayn shacabka somaliland gudo iyo dibadba iyo sidoo kale beesha uu ka soo jeedo.


Afhayeenka Madaxtooyada somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo cadho kaga soo baxay wadanka Ingiriiska ayaa la dhawrayaa talaabada uu qaado ee kaga dhabayn karo hanjabaadihii uu u jeediyey jaaliyada somaliland, iyada oo la filayo in qorshayaashiisa aargoosiga ahina ay ku wajahan yihiin jaaliyadaha London iyo Birminghan oo uu cadho xoogan u qaaday.




Hadhwanaagnews.com/London

Loading...
Loading...