Culimadii Hore Iyo Masafada Ama Jiiftada: W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

0
Wednesday April 01, 2020 - 09:57:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culimadii Hore Iyo Masafada Ama Jiiftada: W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

    Masafadu waa bad kamid ah maansada soomalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masafadu waa bad kamid ah maansada soomalida.

Inta badan bada masafada ama jiiftada waxa aad loogu yaqaanay culimada soomaliyeed kuwaas oo u adeegsan jirey waanada iyo wax u sheega bulsho weynta ay hadba wax u sheegayaan. Waxa loo adeegsan jirey in dadka lagu xasuusiyo ayaamaha dambeeya iyo shidada ay leeyihiin ee eebe weyne quraankiisa inoogu sheegay. Hadaba culimada iyo waxgaradka bulshada ayaa dadka masafada wax ugu sheegi jirey, waa bad fudud oo aan dhib badnayn sida gabayga iyo geeraarka oo ah heerarka ugu sareeya ee suugaanta maansada soomalida. Hadii aan idiin soo tabiyo mid kamid ah masafooyinkii ay culimadu dadka ku waanin jireen waxa kamid ahaa midan oo uu curiyey sheekh kamid ah culimadii soomaliyeed kaas oo la odhan jirey xaaji cali Cabdiraxmaan fiqi alle ha u raxmadee, masafada waxa laga bilaabi jirey inta badan xarfaha higaada ee afka carabiga sida alifka ba’da ta’ ilaa laga gaadho ya’da oo ah xarafka u dambeeya xuruufta higaada afka carbeed. Si hadaba sheekhu dadka ugu waaniyo u tabaabushaysiga maalinka dambe ee qiyaame ee eebe weyne umada isku soo ururin doono ayuu ina leeyahay :

·      Jiinyeen jabow aadmi

·      Ma jalbeebanaysaa

·      Jid xun baad ku socotaa

·      Jiscin ma u helaysaa

·      Jees –jees miyaa ku haban

·      Nin asaagiisi jiifsaday

·      Jaankaaga waxa fuuli

·      Jid siraad ma moogtahay

·      Nina jaamo uma tolan

·      Joombiyadna ka afbadan

·      Jilayciisu waa sida timaha

·      Jaahiisu uma kaco

·      Ninkaan jiirta laga saarin

·      Duul jahanamaad noqoy

·      Jilibkaaga ma ogtahay

·      Jinna tuurku waa beene

·      Muslim waa isku wada jooge

·      Jinni yuusan kuu talin

·      Nafta waad jeclaydeene

·      Jarka ha iska xoorina

·      Jahanamo iyo ololkeeda

·      Ma nin jiidh ulaa jira

·      Waa taad u jeedeen

·      Raga jawhartiisii

·      Maxaa niman jamaamiira

·      Jeexa looga soo kacay

·      Malagii jujuubaayey

·      Arma joojinaysaa

·      Jeer dhaafka nebi waayey

·      Arma jeclaysanaysaa

·      Qabrigiina kuu jeexan

·      Luxudkiina kuu jaran

·      Jiidhkaaga dixiraa leh

·      Meelaha jinaadka ah

·      Lafta joofa baa hadhi

·      Saantaada jidhifta ah

·      Jaldigaa ku marag kici

·      Warqad bariba lagu jiiday

·      Jeebkaa laguu galin

·      Wax aduunkii lala joogay

·      Ma jikaartan baa jira

·      In qiyaame jiri doono

·      Nina yuusan jaaxidin

·      Jimcahaa dadka u marag ah

·      Jinigiyo wanaaskaba

·      Goortuu jibaadaayo

·      Ninna ruuxu kuma jiro

·      Saantaan inagu jiifniyo

·      Jadcadii la foorari

·      Mar hadii lakala jeesto

·      Nina jiidu way socon

·      Jahanama niman baa leh

·      Janadiina duul tage

·      Nin jihaa  wax u sheegay

·      Waa ehel jaxiimaad

·      Sunadii nabuu jaray

·      

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...