Xaaskiisa Ayuu Usoo Diray Farriin Uu Ku Yiri "Waan Is Dilayaa Ee Ogow"

0
Wednesday April 01, 2020 - 08:05:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaskiisa Ayuu Usoo Diray Farriin Uu Ku Yiri "Waan Is Dilayaa Ee Ogow"

    Askari horay uga tirsanaa ciidanka loo yaqaanno Royal Marine

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari horay uga tirsanaa ciidanka loo yaqaanno Royal Marine
ayaa isdilay kaddib markii uu la kulmay "dhacdooyin xiriir ah oo argagax leh" xilli uu shaqo u joogay dalalka Ciraaq iyo Afghanistan, waxaana sidaas lagu ogaaday baaritaan lagu sameynayay geeridiisa.


Garsoorka maxkamadda ayaa dhageystay xogtan ku saabsan sida uu u dhintay sarkaalkaas.



Stu McBrearty, oo 39 jir ahaa, ayaa waxaa "saameyn weyn ku yeelatay" aragtida saaxiibbadiis oo qaarkood la dilay kuwo kalena lagu dhaawacay weerarro dhacay, sida loo sheegay garsoorka.


Sarkaalkan ay howshiisu ahayd badbaabinta dhow, oo kasoo jeeday magaalada Aldershot, ayaa meydkiisa laga helay qolka uu ka daganaa dhismaha safaaradda Canada ee ku yaalla magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, bishii October ee sanadkii 2019-kii.


Kiiskiisa ayaa hadda lagu soo gabagabeeyay inuu ahaa mid isdil ah.

Xaaska Mr McBrearty, oo lagu magacaabo Sophie Hughes, ayaa maxkamadda Hampshire Coroner u sheegtay inay seygeeda kula talisay inuu u soo laabto guriga kaddib markii ay xaaladdiisa dhinaca maskaxda sii xumaatay sanadkii 2018-kii.


Waxay sheegtay in sababta ugu weyn ee dhimashadiisa keentay ay ahayd geerida saaxiibkiisii ay aadka isugu dhawaayeen ee Luke Griffin, kaasoo ka mid ahaa shan askari oo lagu dilay weerar ay xoogagga Taliban ku qaadeen saldhiggooda.


Farriin qoraaleed uu xaaskiisa u diray bishii July ee sanadkii 2019-kii, ayuu Mr McBrearty ku sheegay inuu rasaas ka buuxsanayo bastooladdiisa, uuna isku dilayo, sida loo sheegay guddiga maxkamadda ee baaritaanka waday.


Wuxuu qoraalkiisa ku yiri: "Sidan kuma sii noolaan karo muddo dheer. Saaka waxaan dareemay inaanan wax micno ah ku fadhinin."


Bishii xigtay wuxuu dhakhtar cilmi nafsiga ku xeel dheer oo ku sugan London uga sheegeeyay 2dhacdooyin argagax leh", waxaana ka mid ahaa weerar uu kula kulmay dalka Ciraaq sanadkii 2004-tii iyo labo weerar oo uu Afghanistan kula kulmay 2017-kii, kuwaasoo ciidankii uu la socday qaarkood lagu dilay qaarkoodna si xun loogu dhaawacay.


Dhakhtarka, oo lagu magacaabo Dr David Oyewole, ayaa qoray: "Wuxuu ku jiray feejignaan sas ah... wuxuuna dareemayay waxyaabo maskaxdiisa dhibayay, isagoo mar walbana dib u xasuusanayay dhacdooyinkii naxdinta lahaa."


17-kii October, Markii la helayay meydka Mr McBrearty, waxaa lagu arkay dhaawacyada xabado bastoolad.


Waxaa kale oo maxkamadda loo sheegay in xilligaas uu si xad-dhaaf ah khamri u cabsanaa, inkastoo shirkadda amniga ee uu ka shaqeynayay ay shaqaalaheeda ka mamnuucday maandooriyeyaasha.

 

BBC

 

Loading...
Loading...