War Deg Deg Ah:-Masuul Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Shaaciyey Inuu Iska Casilay Iyo Sababaha Oo Uu Soo Bandhigay

0
Tuesday March 31, 2020 - 17:38:00 in News by
  • Visits: 5988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Masuul Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Shaaciyey Inuu Iska Casilay Iyo Sababaha Oo Uu Soo Bandhigay

    War Deg Deg Ah:-Masuul Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Shaaciyey Inuu Iska Casilay Iyo Sababaha Oo Uu Soo Bandhigay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Masuul Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Shaaciyey Inuu Iska Casilay Iyo Sababaha Oo Uu Soo Bandhigay


Hargeysa(HWN):-Gudoomiye ku xigeenkii xisbiga Kulmiye dalka Maraykanka Eng Farxaan Axmed Muxumed ayaa shaaciyey inuu iska casilay xilkii iyo xubinimadii uu ka hayey xisbigaasi.


Eng Farxaan Axmed Maxamuud ayaa war uu soo gaadhsiiyey Hadhwanaagnews ayaa sababaha iscasilaadiisa si cad u soo bandhigay isaga oo xusay in guud ahaanba madaxweynaha iyo xisbiga Kulmiye isku raaceen in laga baydho barnaamijkii iyo siyaasadii keentay in shacabku codkooda siiyaan xisbigaasi.



Warka iscasilaada gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka ayaa u dhignayd sidan:-


Ku: Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Hargeysa

Ku: Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Hargeysa

Ku: Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Woqooyiga Ameerica Canada

Og: Guddiga Fulinta Xisbiga kulmiye ee dalka Maraykanka USA

Og: Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka USA

Og: Laamaha iyo Xafiisyada Xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka USA


 

Ujeeddo: Is-casilaad Xilkii iyo Xubinimadii Xisbiga


 

Aniga oo magacaygu yahay Eng:-Farxaan Ahmed Maxamuud ahna Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka, xubin firfircoonna ka ahaa Golaha Dhexe ee Xisbiga oo aan ku soo jiray ilaa 2002-dii markii la aasaasay, xilal kala duwanna ka soo qabtay, waxaan madaxda sharafta leh halkan ugu soo gudbinayaakuna war-gelinayaa inaan iska casilay xubinimadii Golaha Dhexe iyo Xilkii Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga ee dalka Marykanka Maraykanka.


Go’aanka is-casilaaddayda, waxa aan gaadhay kaddib:


Markii aan arkay: Sida indho-la’aanta ah ee hoggaanka xisbigu isaga indho-


tiray inay u hoggaansamaan ujeeddooyinkii loo aasaasay iyo sababihii aan ku raacay inaan xisbiga ugu ololeeyo oo ay noqotay hal bacaad lagu lisay.


Markii aan arkay: Baahida faraha badan ee dalka ka jirta oo taladii xisbiga ee siyaasaddiisa lagu maarayn lahaana ay maroorsadeen shaqsiyaad gaar ah.


Markii ay soo baxay in : Siyaasaddii xisbiga Kulmiye ku ololeeyey ee Shacabku

ugu codeeyey hoggaanka xisbiga ee uu ka mid yahay madaxweynuhu oo dhag jalaq loo siin waayey.


Markii aan arkay: Inuu waddankii furfurmay oo uu galay xaalad cakiran.


Markii aan Garowsaday: In Xisbiga Kulmiye labadii jeer ee uu hoggaanka dalka

gacanta ku hayey in Somaliland wax ka sii dhaca mooyaane aanay waxba u kordhin.


Markii aan arkay: Inaanay jirin tallaabo uu xisbigu ka qaaday iyo siyaasad

uu ku wejahayo isu-soo-dhawaynta bulshada Somaliland iyo dawaynta xanaftii ka dhalatay doorashadii madaxtooyada Nov 2017.


Markii aan arkay: In hoggaanka maanta talada xisbiga iyo dalka gacanta ku

hayaa ku fashilmay siyaasadda Arrimaha dibadda ee dalka, isla markaana uu ka baydhay siyaasaddii xisbiga loo jeexay ee uu ku shaqaysan jiray Kulmiyihii uu Md Axmed-Siilaanyo maraha u hayey.


Markii ay soo baxday: Inaanay jirin siyaasad qorsheyaal ku dhisan oo

hoggaanka dalka iyo xisbigubau marayaan fulinta ballan-qaadyadii uu sameeyey iyo ka-midho-dhalinta ujeeddadii siyaasadeed ee mabaadii’da xisbiga lagu dhisay.


Markii aan arkay: Inay meesha ka baxday nidaamkii dimuqraadiyadda iyo

is-toosinta ee gudaha xisbiga Kulmiye ku soo caano maalay, waxna layska dhagaysan waayey, taageerayaasha xisbiga laftoodu ka biyo-diidan yihiin.


Markii aan: La tashi la sameeyey Madaxda Xisbiga ee aanu Isku afkaarta nahay ee ka biyo-diiddan siyaasadda la majara-habaabiyey e Xisbiga.




WAXAAN GO’AANSADAY

●Inaan Iska casilo xilkii Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Maraykanka


●Inaan iska casilo Xubinimadii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka.


●Inaan iska casilo xubinimadii Guddiga Fulinta Xisbiga ee dalka Maraykanka.


Anigoo ku faaxsan inaan wakhtigayga, maalkeyga iyo xooggayba u soo huray dhismaha Xisbiga iyo Inaan la soo shaqeeyay Labada madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyoiyo Muuse Biixi Cabdi ee ku yimi Guushii Xisbiga Kulmiye ka soo hooyay doorashooyinka dalka.


Waxaan aaminsanahay inay Sharaf ii tahay inaan la soo shaqeeyo labadaas madaxweyne, taariikhdana way ii galaysaa, waanan uga mahad-celinayaa wada-shaqayntii fiicnayd ee muddadaas 20-ka sanno ku dhow na soo martay.


Xilalka aan ka soo Qabtay Xisbiga Muddadaas 20-ka sanno ku dhow ayaa kala ah sidan:-


1. Mudadii u dhaxaysay 2002 ilaa 2007, xubin ka mid ah Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.


2. Sannadihii 2003 ilaa 2005, waxaan ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Degmada 26 Juun ee magaalada Hargeysa.


3. Intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2012 Xubin Golaha Dhexe ah.


4. Muddadii u dhaxaysay 2014-kii ilaa 2016-dii waxaan ahaa Af-hayeenka Xisbiga Kulmiye ee Woqooyiga America.


5. Laga soo bilaabo 2016-dii ilaa 2020-ka, waxaan hayey xilka Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Waddanka Maraykanka.



Allaa Mahad Leh

Eng Farxaan Axmed Maxamuud

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Xisbiga Kulmiye Ee Dalka Maraykanka

Loading...
Loading...