Dhibaatooyinka Xukuumadda Muse Ka Hayste Caabaqa Cov19 Ka Hortagiisa.

0
Tuesday March 31, 2020 - 16:07:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibaatooyinka Xukuumadda Muse Ka Hayste Caabaqa Cov19 Ka Hortagiisa.

    Waxaynu wada ogsoonahay in cudurkani fididiisu la socoto safarada iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaynu wada ogsoonahay in cudurkani fididiisu la socoto safarada iyo
socdaalada iyo badeecadaha wadanka debedda kaga imanaya sidaasaanuu dunidoo dhan ku aafeeyey oo uu kumaankun kudilayaa maanta. Weynu ognahay awoodeena reer SOMALILAND xukuumad ahaan iyo shacab ahaanba laakiin dhayalsi iyo maamul xumo yaanuu cudurku inoogu iman. Imika markaan dib eeegay ka hortaggeenu wuu liitaa maxaa wacay sidaa

 

1- Guddi buu Madaxweyne ku dhawaaqay hogaaminaysay ka hortagga Caabuqa Cov19 todobaadkii u horeeyey ba way fashilantay oo waxka bedelbaa lagu sameeyey waxay ku fashilantay dadkii aan ay baadhin ay basaska ku gurtay ee hotel sky ku qasbaysay oo qaarka mid ahaa oo 4 ah Djabouti cudurkii ka Heleen.

2- kumaankunka Ethiopia soo eryeyso ee ardaydu u badan tay toos baa wadanka loogu soo daayey. Cudurkiina wax lagu baadho ma hayno bay xukuumaddu tidhi meel baanu u diraynaa dhawr qof oo dhaaceen laga qaadayo waa fashilaad labaad.

3- lamaba dhaadsanaa inaynu ku noolnahay badeecad iyo cunto inoogu timaadda DEBEDDA taasoo iyana sidda caabaqa Cov19 oo aan cidna buufin ee toos wadanka u soo gasha.

 

4- Wasaaradda Xaafimaadka SOMALILAND kamabay adlin siday caabaqa dhaaceenadiisa u baadhayso ee u helayso qofku inuu cudurka qabo iyo in kale,waanu diray jawaab bulsho fahmi karto maaha xaggeed u dirteen intee in leeg oo waqtiya baa SOMALILAND ku ogaan KARTAA QOFKA QABA CAABAQA. DJABOUTI MARKIIBA WAY OGAATAY 4TII QOF EE CAABAQA KALA YIMI MADAARKA HARGEYSA.

 

5 -  WAYNU OGNAHAY INAAN XUDUUDO LA XIDHI KARIN, WAYNU OGNAHAY INAYNAANUU QAADKA IYO DIYAARADDA ETHIOPIA JOOJIN KARIN WAAYO ETHIOPIA AYEY MALAA XUKUUMADDU KA BAQAYSAA.

 

6 - WAA SOO JEEDINTAYDII SI WADANKAYGA SOMALILAND IYO SOMALIDA KALEBA UGA BADBAADAYAAN CUDURKANI WAXA WEEYE DADKU RAASHINKOODA HA RARTAAN MIYI HA LOO KALA YAACO MUDDO 2 BILOOD AH. MAGAALADANA HA LAGAGA TAGO XUKUUMADDA IYO DUKAANADA OO QUDHA SIDAASI WAA BADBAADADA QUDHA EE II MUUQATA INTAAN CUDURKU DILAACIN. HADDUU DILAACO OO KUMAANKUN QAADAAN MIYIGANA WAXBUU YEELI INKASTOO MIYIGU ALLAH ILAALIYEY OO DADKU KALA FOGYIHIIN OO ISKA GOONI JOOG NOLOSHOODU AHAYD.

 

WAXAA MADAXWEYNE MUSE LA GUDBOON INUU LABADAN GUDOOMIYE XISBI EE UU KA MABNUUCAY INAY TVGA QARANKA KALA SOO BAXAAN IYAGOO BULSHADOODA IYANA LA HADLAYA OO AY DADKA LA WADA HALAYAA WAA IN AY DADKA QACMAHA IS QABSADA YIDHAAHDAAN OO CAABUQA MEEL UGA SOO WADA JEESTAAN.  HADDUU MUSE AANUU TALAABO CUSUB KU DHAQAAQIN ISAGAY U TAAL GOAANKIISU.

 

M BASHE

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...