Iskuma Ogeyn Fayraska Covid-19, Hergab Ayaan Moodayay

0
Tuesday March 31, 2020 - 15:46:26 in Articles by
  • Visits: 1182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iskuma Ogeyn Fayraska Covid-19, Hergab Ayaan Moodayay

    Iskuma Ogeyn Fayraska Covid-19, Hergab Ayaan Moodayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iskuma Ogeyn Fayraska Covid-19, Hergab Ayaan Moodayay


Hargeysa(HWN):- Cabdi Fataax Maxamed Qaaje waa kalkaaliye caafimaad oo dagan dalka Finland waxaana loo sheegay in uu qabo caabuqa Corona, balse markii dambe haddana laga waayay.


Cabdi Fatax oo BBC u waramay ayaa sheegay in uu dareemay calaamado sida hargabka ka dibna uu isbataalka aaday si cudurka looga baaro.



"Cudurkan iskuma aanan ogayn oo waxaan u haystay in uu Hargab caadi yahay, waxaana la i mariyay baaritaan caafimaad oo qaatay wax ka yar 24 saacadood, waxay isoo waceen Jimcihii waxayna ii sheegeen inaan cudurka qabo, ayuu yiri", Cabdi Fatax.


Cabdi Fataax Maxamed Qaaje ayaa sheegay in markii loo sheegay in uu qabo caabuqa uu walwal dareemay,

"Cabsidaa way iska wada jirtay laakiin waxaan dareemay walwal, ayuu intaa ku daray".


Cabdi Fataax Maxamed Qaaje waxaa uu sheegay in markii maalmo ay ka soo wareegtay natiijadii hore ee ahayd in cudurka laga helay mar kale ay dhakhaatiirta u yeereen si loo baaro.


Waxaa uu intaa ku daray in mar labaad la mariyay baaritaan cudurka Corona ah, balse loo sheegay in uusan qabin.


"Sabtidii ayay ii waceen waxayna i dhaheen baaritaan labaad ayaan kaa qaadaynaa taasi oo ah mid degdeg ah, sidaa aawadeed mid labaad ayay iga qaadeen waxayna iigu soo jawaabeen 10 saacadood gudahood waana la iga waayay, "ayuu yiri Cabdi Fataax.


Cabdi Fataax ayaa sheegay in loo baahan yahay dadka cudurka qaba in aysan dadka u qarin oo ay u sheegaan.


"Waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed u sheego, waxa alle keeno way iska qadaran yihiin, fayraskan Corona cabsidiisa way badan tahay waa kawada warqabnaa laakiin waxaa muhim ah inaan isu qarin oo qofka qaba uu u sheego bulshada kale ee Soomaaliyeed," ayuu yiri Cabdi fatax.


Waxaa uu xusay in ay jiraan dad badan oo Soomaali ah oo leh calaamadihii cudurka Corona hadana aanan aadayn xarumaha caafimaadka si looga baaro.


"Tusaale ahaan maalmihii aniga aan dareemayay calaamadaha hargabkan nafsadeyda waxaan galiyay guriga inaan iska joogo marka dad badan oo Soomaali ah o aan is wacnay oo magaalada wareegayo oo calaamadihii aan lahaa markaas hadda iyagu leh ayaa jira magaalada si caadi ah u shaqaysanaya markii aad la hadashid dhahaya waxaan qabaa hargab, "ayuu intaa ku daray.


Qaar ka mid ah bukaannada ayaa ka caafimaaday Covid-19, waxaana laga fasaxay cisbitaallada, balse mar labaad ayey xanuunsadeen, markii la baarayna waa laga helay. Fayraska corona, sida hargabka caadiga ah, wuu soo noqon karaa. Hadabba maxay ku kala duwan yihiin?


Nin 70 sano jir ah, waa tusaalihii ugu horeeyay ee ah bukaan ka yaabiyay dhaqaatiirta, walwalna geliyay ogaanshaha fayraskan.


Waxaa lagu karantiilay cisbitaal ku yaalla Tokyo ka dib markii coronavirus laga helay bishii February.


Sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda Japan ee NHK, ninkaas ayaa xanuunka ka caafimaaday wuxuuna dib u billaabay noloshiisii caadiga ahayd. Balse dhowr maalmood ka dib, dib ayuu u xanuunsaday, wuuna qandhaday.


Ninkii ayaa dib loogu celiyay cisbitaalka, dhaqaatiirta iyo isagaba la yaab ayey ku noqotay. Wuxuu ogaaday in mar labaad uu ku dhacay coronavirus.


Inkastoo uusan keligii ku ahayn xaaladdan ee dalka Japan, haddaba weerarka rogaal celiska ah ee coronavirus waxaa la kulma dad yar, balse tiro ahaan badan. Maxay tahay sababta?


Source BBC

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...