Dowladda Somalia Oo Amartay In La Xidho Goobaha Barasahada Diinta

0
Tuesday March 31, 2020 - 08:20:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somalia Oo Amartay In La Xidho Goobaha Barasahada Diinta

    MUQDISHO — Dawladda Soomaaliya ayaa amartay in la xiro goobaha barasahada diinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUQDISHO — Dawladda Soomaaliya ayaa amartay in la xiro goobaha barasahada diinta sida dugsiyada iyo mowlacyada.

 

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa lagu sheegay in sidoo kale lagula talinayo dadweynaha inay guryahooda ku cibaadaystaan.

 

Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadan loo qaaday si loola dagaalamo loogana hortago faafitaanka cudurka Coronavirus.

 

Dawladu waxay sheegtay in xiritaanka gobahan ay ka billaabanayso maalinta berrito ah ee 31-ka Maarso, waxayna shegtay in goobaha xiritaankan saamaynayo ay yihiin dusgiyada lagu barto qur’aanka iyo xarrumaha kale ee barashada diinta oo xirnaanaya mudo laba toddobad ah.

 

Dawladda Soomaalya waxay horey u amartay in la xiro iskuullada iyo jaamacadaha, sidoo kale waxay dawladdu joojisay duulimaadyadii gudaha iyo dibedda.

 

Dhinaca kale hay’adda caafimaadka adduunka xafiiskeeda Soomaaliya ayaa idaacadda VOA Somali u sheegtay in ilaa haatan shaybaarka lagu xaqiijiyey saddex kiis oo ah cudurka Coronavirus Soomaaliya.

 

WHO waxay sheegtay in kiiska ugu horreeyey la xaqiijiyey oo ay ku dhowaaqday Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya 16-kii Maarso, halka kiiska labaad lagu dhowaaqay 26-kii Maarso. Maalin kadibna waxaa la xaqiijiye kiis saddexaad.

 

Wakiilka hay’adda WHO ee Soomaaliya Dr. Mamunur Raxmaan Maalik waxa uu idaacada VOA u sheegay in xaaladda caafimaad ee labada bukaan ee hore ay deggan tahay, halka bukaanka saddexaad cisbitaalka AMISOM looga daweeyey qandho.

 

Dr. Mamunur waxa uu intaas ku daray in la baarayo 16 kiis oo laga shaki qabo. Waxa uu intaas ku daray in laba ka mid ah 16-kaas kiis dadkii laga shakiyey lagu karantiilay Somaliland, toddoba kalena Puntland halka inta kale ay ku karantiilan yihiin Muqdisho.

 

Waxaa Dr Mamunur uu sidoo kale sheegay in la qaaday 31 tijaabo loona diray shaybaar ku yaalla magaalada Nairobi si loo baaro. Waxa uu sheegay in 3 ka mid ah oo ah kuwa horey lo shaaciyey laga helay xanuunka, 18 kalena laga waayey markii la baaray, halka 10-ka kalena natiijadooda la sugayo.


Loading...
Loading...