Wariye Ka Tirsanaan Jiray BBC Oo U Dhintay Covid-19

0
Tuesday March 31, 2020 - 08:12:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Ka Tirsanaan Jiray BBC Oo U Dhintay Covid-19

    Geerida wariye horay uga tirsanaa idaacadda BBC-da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geerida wariye horay uga tirsanaa idaacadda BBC-da "ayaa taabatay qalbiyada dad badan", sida ay sheegtay saaxiibaddiis.


John Hood, oo 66 jir ahaa ayaa aad loogu aqoon jiray barnaamijya Raadiyada BBC-da ee Suffolk, ka hor inta uusan noqonin sarkaal dhinaca arrimaha bulshada ka caawiya booliska.



Bishii August ee sanadkii 2016-kii, wuxuu soo jiiday doon ay saarnaayeen 4 gabdhood oo dhowr iyo toban jir ah, taasoo kusii siqeysay badweynta, wuxuuna ficilkaas ku kasbaday abaalmarin weyn oo la guddoonsiiyay.


Haweeneyda laaxiibaddiis ah, oo lagu magacaabo Jayne Lindill ayaa sheegtay in qoyskiisa iyo saaxiibbadiis ay 2qalbi jab kala kulmeen" geeridiisa.


Mr Hood, oo Ms Lindill kula noolaa gobolka Suffolk, wuxuu geeriyooday maalintii Talaadada kaddib markii uu ku dhacay cudurka Covid-19.


'Nin macquul ah'

Ms Lindill waxay sheegtay in markii ay John la kulantay 23 sano ka hor "uu horumar weyn gaarsiisanaa", isagoo wariye Telefishin ka ahaa dalalka Australia iyo New Zealand.


"Wuxuu wareystay qof walba, laga billaabo Sylvester Stallone ilaa Mick Jagger, wuxuuna ahaa nin macquul ah," ayey tiri.


Kaddib markii ay lamaanahan u guureen UK, Mr Hood wuxuu barnaamij soo jeediye ka noqday BBC-da, laakiin xirfaddiisa waxay ugu dambeyn isu baddashay caawinta dadka, sida ay sheegtay Ms Lindill.


  • "Wuxuu taabtay nolosha dad aad u fara badan. Wuxuu baran jiray dadka, wuuna jeclaa shaqadiisa," ayey tiri.

Neil Boast, oo Mr Hood ku tababaray xarunta booliska ee Suffolk, ayaa sheegay inuu ahaa "qof qiima badan" oo uu bartay, isagoo intaasna ku daray in ay tacsi u dirayaan ehelkiisa.


Sanadkii 2016-kii, Mr Hood wuxuu ka sheekeeyay qaabkii uu xeebta Felixstowe uga soo badbaadiyay afar gabdhood oo doontooda ay badweynta kula sii socotay.


Kaddib markii uu arkay wuxuu u dabaashay dhankeeda, wuxuuna doonta gacantiisa kusoo jiidayay masaafe dhan 150 mitir, ilaa kuu ka keenay xeebta.


"abdhuhu ma aysan rumeysneyn inay xeebta dib ugu soo laabteen," ayuu yiri markaas. "Waxaan ku dhahay iga joojiya mahadcelinta, way dhammaatay howsha. Kaliya waxay qeyb ka ahayd shaqadeyda'."


BBC

Loading...
Loading...