Madaxweyne Ay Trump Isku Fikrad Ahaayeen Oo Wali Inkirsan Covid-19

0
Tuesday March 31, 2020 - 08:07:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ay Trump Isku Fikrad Ahaayeen Oo Wali Inkirsan Covid-19

    Xilli ay dunidu isku dayeyso inay la tacaasho cudurka safmarka ah ee coronavirus,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli ay dunidu isku dayeyso inay la tacaasho cudurka safmarka ah ee coronavirus,
madaxweynaha Brazil wuxuu intii karaankiisa ah ku dadaalayaa sidii uu dadka uga dhaadhicin lahaa in cudurkan uu yahay mid iska sahlan oo aan dhibaato weyn lahayn.



Jair Bolsonaro wuxuu wali xanuunkan u qaadan la'yahay si dhab ah. Isagoo ka hor imaanaya talada wasiirkiisa caafimaadka uu jeediyay horaantii March, islamarkaana sugaya tijaabadii labaad oo looga qaaday baaritaanka ku aaddan inuu xanuunka qabo, ayuu kasoo baxay karantiilkii uu kaligiis ku jiray si uu ugu biiro isu soo baxyada looga soo horjeedo golaha Wakiillada.


Wuxuu gacan qaaday taageerayaashiisa ku sugan magaalada Brasilia wuxuuna malaayiin qof u diray farriin uu ugu sheegayo inuusan arrintan wax walwal ah ka qabin.


Khudbad uu isbuucii hore jeediyay oo telefishinnada laga sii daayay, ayuu mar kale ku sheegay oraahdiisa hadda laga digayo ee ah: "Waa hargab yar uun oo kaliya ama cabur," wuxuunqa sidaas yiri isagoo warbaahinta mar kale ku eedeynaya inay buunbuuninayaan argagaxa laga qabo Covid-19.


Dhowr maalmood kaddib, wuxuu si cad u sheegay sida uu dhaqaalaha uga door bidayo tallaabooyinka la xiriia karantiilista, taasoo dunida inteeda kale ay qaadatay.


"Dadka way dhiman doonaan, waana ka xumahay taas," ayuu yiri. "Laakiin warshad baabuurta soo saarta uma xiri karto shil gaari oo dhacay dartiis."


Inkiraad ku kali ah

"Jair Bolsonaro waa kaligiis hadda," waxaa sidaas yiri tifaftiraha guud ee warbaahinta daabacaadda ee Americas Quarterly. "Ma jiro hoggaamiye kale oo caalmanka ku sugan oo inkiraya khatarta cudurkan, mowqifka uu madaxweynahan qabana wuxuu horseedi karaa in dad badan oo reer Brazil ah ay naftooda ku waayaan."


Jair Bolsonaro wuu isku buuqsan yahay. Wuxuu xukunka qabsaday sanadkii lasoo dhaafay isagoo ballanqaaday inuu sare u qaadi doono dhaqaalaha, taasna waxaa hakiyay coronavirus.


Xeebaha magaalada Rio waa laga kala tagay wadooyinkii sida caadiga ah u mashquulka badnaa ee magaalada Sao Paulo iyaguna way maran yihiin.


Dukaamada, Iskuullada, goobaha dadweynaha iyo xarumaha ganacsiga ee isnta badan gobollada ayaa la xiray.

Sidaas awgeed Mr Bolsonaro waxaa ka go'an in cudurkan safmarka ah uu siyaasadeeyo, isagoo dadka kasoo horjeeda ku eedeynaya inay isku dayayaan burburinta waddanka.


Xeerarka dhaqaalaha

Maalmo yar ka hor, waxaa muuqaal shaaciyay wiil uu dhalay Jair Bolsonaro, oo lagu magacaabo Flavio - kaasoo isaga laftiisa siyaasi ah.


Farriinta ku jirtay muuqaalka, oo la sheeganayay inay ka soo baxday dowladda Brazil, waxay ahayd in "BRAZIL AYSAN HAKAD GALI KARIN". Dadkana looga baahan yahay inay sii wadaan shaqooyinka, si dalka loo badbaadiyo dhaqaalahana uu sare ugu sii kobco.


Dowladdu waxay diidday inay sheegato milkiyadda muuqalakaas, waxayna ku tilmaantay "War been abuur ah", laakiin waa isla farriintii uu dirayay Mr Bolsonaro lafteeda.


Laakiin farriinta Mr Bolsonaro waxaa si weyn ula dhacsan taageerayaashiisa. Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, dad badan oo ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha ayaa mootooyin ku wareegayay magaalooyinka dalka Brazil, iyagoo hoonka yeerinayay isla markaana dalbanayay in ganacsiyada dib loo furo.


"Haddii aad tiraahdo in waddooyinka loo soo baxo waxaa laga qadayaa cudur, dadku way argagaxayaan," sidaas waxaa yiri Luiz Antonio Santana Caldas, oo ka mid ah taageerayaasha Bolsonaro ee kasoo jeeda Bahia. Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay; "Haddii karantiil isgaliso, xalna uusan jirin ilaa labo isbuuc, waxa kaliya ee aad markaas sababeysid waa inuu dhaqaalaha burburo."


Paloma Freitas, oo ah maamule hantiyeed oo kasoo jeeda magaalada Fortaleza, ayaa fikirkaas kasoo horjeedda. Waxay u codeysay Mr Bolsonaro laakiin waxay sheegtay in ay hadda kala noqotay kalsoonideeda.


"Mar kasta oo aan dhageysto isaga, waan sii argagaxaa," ayey tiri. "Halkii uu dadka mideyn lahaa, si joogto ah ayuu u weeraraa dadka."

 

BBC

Loading...
Loading...