Soomaaliya oo Ammartay In La Sii Daayo Afar Ruux oo Karrantiimaysnaa

0
Tuesday March 31, 2020 - 02:55:33 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo Ammartay In La Sii Daayo Afar Ruux oo Karrantiimaysnaa

    Hargeisa(HWN):-Wasaaradda Caafimaadka ayaa go'aamisay in la sii daayo afar qof oo hore looga shakisanaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Wasaaradda Caafimaadka ayaa go'aamisay in la sii daayo afar qof oo hore looga shakisanaa

Hargeisa(HWN):-Wasaaradda Caafimaadka ayaa go’aamisay in la sii daayo afar qof oo hore looga shakisanaa inay qabaan Coronavirus, kuwaasoo ku karantiilnaa Cisbitaalka UN/AMISOM, kaddib markii lagu waayay wax kiis ah baadhitaano isdaba joog lagu sameeyay.

Mid ka mid ah afarta qof ee karantiilnaa ayaa baadhitaankii koowaad oo lagu sameeyay laga helay inuu qabo cudurka, hase ahaatee laba jeer oo isku xiga oo dib baadhitaan loogu celiyay lagu waayay cudurka Coronavirus.


Saddex kale ayaa laba baadhitaan oo lagu sameeyay natiijadooda lagu waayo wax kiis ah, sidaas la amray in la sii daayo.

Afartan qof oo ku karantiilnaa Cisbitaalka AMISOM, ayaa magacyadooda lagu xusay qoraal ka soo baxay wasaarada caafimaadka oo luqada Englishka ku qornaa.


Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...