Soomaaliya:-Musuqii Oo Meel Halis Ah Maraya Iyo Dad Baabuur Ciidan Lagu Siday Oo Laga Hormariyey Dhalinyaro Orodka Ku Tartamaysay

0
Friday April 05, 2019 - 19:56:10 in News by
  • Visits: 3725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya:-Musuqii Oo Meel Halis Ah Maraya Iyo Dad Baabuur Ciidan Lagu Siday Oo Laga Hormariyey Dhalinyaro Orodka Ku Tartamaysay

    Soomaaliya:-Musuqii Oo Meel Halis Ah Maraya Iyo Dad Baabuur Ciidan Lagu Siday Oo Laga Hormariyey Dhalinyaro Orodka Ku Tartamaysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya:-Musuqii Oo Meel Halis Ah Maraya Iyo Dad Baabuur Ciidan Lagu Siday Oo Laga Hormariyey Dhalinyaro Orodka Ku Tartamaysay

Muqdisho(HWN):-Qaar ka mid ah tartamayaal ka qayb galay orod lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyey musuq maasuq ay sheegeen inuu dhacay.

Tartamayaasha ayaa ku doodaya in dadka kaalmaha hore la siiyey aanay mutaysan balse dadkii kale ee tartanka ka qayb galay lagu dhaafiyey baabuur lagu siday.

Maryan Nuux oo ka mid ah dadka tartamayaasha ah ee cadaala darada tirsanaya ayaa sheegtay in iyada oo hogaaminaysa orodka ay hadana aragtay laba ka mid ah hablihii dhigeeda ahaa oo lagu siday baabuurta dagaalka kuwaas oo laga hormariyey.

Maryan Nuux oo ka hadlaysa dhacdo ay la kulantay ayaa tidhi "Aniga oo ugu horeeya tartamayaasha oo hogaaminaya ayaan arkay gaadhi ciidan oo lagu soo qaaday laba gabdhood oo tartanka ka qayb galayey, markii aan soo gaadhay goobtii dhamaadkana waxa lay sheegay inay iga horeeyeen oo ay kaalmaha hore galeen, markii aan ku dacwooday in gaadhi ciidan lagu soo qaadayna waxa laygu yidhi aamus adiga ayaa kaalinta koowaad lagu siinayaaye.”

Dhinaca kale wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa shaacisay inay wadaan baadhis ay ku samaynayaan dhacdadan, waxaanay tidhi " Tartanka orodka waxa maamulayey guddi tiradoodu gaadhayso 50 qof kuwaas oo bilaw ilaa dhamaad la socday tartamayaasha iyaga ayaanan ka rabnaa inay soo gudbiyaan xaqiiqada jirta.”

Soomaaliya oo lagu sheego wadamada ugu musuq maasuqa badan ayaa waxa hada muuqata in musuqii uu galay meelo aad u sii xun, iyada oo ay noqonayso markii ugu horaysay ee la sheego in musuq maasuq ka dhaco tartan orod isla markaana dadka la doonayo lagu qaado baabuur ciidanku leeyahay.

Loading...
Loading...