'' Jabuuti Xagay Ina Jiidanaysaa '' .

0
Monday March 30, 2020 - 20:00:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    '' Jabuuti Xagay Ina Jiidanaysaa '' .

    Madaxwaynaha Wadanka Maraykanka Donld Trump ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Wadanka Maraykanka Donld Trump ayaa

mar uu la hadlayay kooxda saaxiibnimada Ruushka iyo Maraykanka ayaa wuxuu yidhi '' Maraykaku wuxuu ula dhaqmayaa Jarmalka sidii cadowga , maxaa yeelay Jarmalka waxaanu iska hornimi dagaalkii labaad ee aduunka ''.


Mr Trump warbixintan oo laggu faafiyey mreegta Independent isagoo ka sii hadlaya wuxuu sheegay in Ruushka iyo Maraykanku la wada dagaalamaeen Jarmalka isla markaana ku waayeen 50 malyuun oo qof .



Sababta hadaba aynu usoo qaadanay hadalka Trump waxay tahay , Donald Trump awoowgii rumaad oo la odha jirey Johann Philipp Trump wuxuu ku dhashay Magaalada Patiine ee wadanka Jarmalaka (1667–1707) , waxaanu usoo wareegay dhinaca Maraykanka halkaasoo dib looga tarxiilay , sidaa darteed Mr Trump asal ahaan , dhiig ahaan iyo dhalasho ahaan waa nin Jarmala , hasa yeeshee dhinaca aragtida iyo wadaniyada waa nin Maraykana , maraykan nimada ayaana kala wayn isirka iyo abtirsiimadiisa jarmalnimo sidaa awgeed ayaanu jarmalka bun uga dhimaynin .


Geesteenan Somaliland , Mogdisho in aynu u jawaabno iyo in aynu iska celinaaba way inoo fududahay , hadii ay juuq inoo tidhaahdana u jawaabisteeda waaba la inoo kala horaa , safaf dhaadheer oo kuwa doorashada la mida ayaana loo galaa u baratanka jawaabaha Mogdisho , hasa yeeshee si kastoo Djabouti inoogu jeestayso wax inagu adkeeyay mooyaane in aynu jabuuti u jawaabnaa way inagu adagtahay , tolo jabuuti xagay ina jiidanaysaa .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...