SAWIRO:-Dawlada Soomaaliya Oo Amar Kale Soo Saartay & Xarumo La Xiray

0
Monday March 30, 2020 - 17:23:46 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Dawlada Soomaaliya Oo Amar Kale Soo Saartay & Xarumo La Xiray

    Sidoo kale kulankan ayaa lagu go'aamiyey in mudadaas la joojiyo isku imaatinka goobaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale kulankan ayaa lagu go'aamiyey in mudadaas la joojiyo isku imaatinka goobaha



Wasiirka wasaaradda Awqaafka iyo arrimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay go’aan ah in la xiro dhamaan dugsiyada Qur’aanka Kariimka, muddo laba toddobaad ah si looga hor tago faafidda cudurka Coronavirus.

 

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay kulan wada tashi ah oo ay yeesheen mus’uuliyiinta wasaraadda Awqaafka iyo arrimaha Diinta iyo qaar ka mid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale kulankan ayaa lagu go’aamiyey in mudadaas la joojiyo isku imaatinka goobaha kale ee lagu raacdo culuumta diiniga ah.

 

Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyed, Sheekh Yuusuf Cali Caynte ayaa kulanka ka sheegay talada ugu fiican ee looga hor tagi karo cudarkan, waxuuna tilmamay in bulshadu ay sameyso Alle bari caam ah, iyadoo aan meesha laga saarin talooyinka ay bixisay wasaaradda caafimaadka dalka.








Loading...
Loading...